”I dila marka hore!” – MW dad ku dibedbaxayey u sheegay in aanu doorasho dambe qaban doonin inta uu noolahay!!

0

(Minsk) 17 Agoosto 2020 – MW Belarus, oo sheegay inuu ku guulaystey muddo-xileedkiisii 6-aad oo xiriir ah, ayaa si weji ka weji ah ula hadlay dad ku kacsan oo ka mid ah shaqaale shaqo joojin ka sameeyey caasimadda Minsk.

Kali taliskan gacanta adag ayaa dibed baxayaasha u sheegay in inta uuba nuuxnuuxsanayo oo uu nool yahay aanu doorasho kale qaban doonin.

Jeer ay is gaareen banaan baxyo ka soconaya Belarus, Alexander Lukashenko – oo ah madaxwaynihii ugu muddada dheeraa – ayaa isku dayey inuu qanciyo shaqaalaha wershadda MZKT, oo ah mid muhim ah oo farsamaysa taraagyada waawayn, oo ay ku jiraan kuwa ciidamadu.

Dadka ayaa markii ay arkeen Lukashenko oo gaari wershadda lagu sameeyey dul taagan waxay si ku celcelis ah ugu qayliyeen. “Naga fogoow!” balse Madaxwaynahan madaxa adag ayaan uga jimcin.

“Waa mahadsan tihiin. Su’aal aan idin waydiiyo, qaylada maku dari kartaan,” ayuu Lukashenko oo jees jeesayaa ku yiri shaqaalihii, isaga oo aanay ka muuqanin in yar oo wer wer ah.

”Waannu qabannay doorasho. Mana jiri doonto doorasho kale, haddii aydnaan i dilaynin.” ayuu yiri.

Hadalsame Media