Shiinaha oo sameeyey hub khatar ah oo hal ridaal ku CUURYAAMIN kara garoomada dayuuradaha (Sidee u shaqeeyaa?)

0

(Beijing) 17 Agoosto 2020 – Shiinaha ayaa daboolka ka rogey inuu haysto hub aan caadi ahayn oo ay u badan tahay in lagu xiri doono dayuuradaha J-16 iyo JH-7 iyo sidoo kale bomarka H-6, kaasoo ah gantaal awood u leh inuu rido boqollaal rasaas ah oo isaga kasii dhex baxaysa, taasoo loogu tala galay in talaf looga dhigo garoomada dayuuradaha.

“Hal toogasho ayuu ku cuuryaamin karaa awooddii shaqo ee garoonka waxaa dheer in waxyaabaha soo baxaya ay ka mid yihiin miinooyin ay hadhoow halis tahay in xitaa hadhoow laga nadiifiyo dhabbaha dayuuradda,” ayuu yiri khabiir ciidan oo  Chinese oo la hadlay Global Times.

Hubkan ayaa Shiinaha siin kara gacan sarrayn istaraatiji ah iyo fursad taatiko, isagoo uu cufkiisu dhan yahay 500kg, waana bambo nooca la hago ah balse u samaysan sidii gantaal.

Bamkan oo gudaha ku sita rasaas iyo bambooyin kumannaan ah oo hadhoow kala firxanaya ayaa waxaa sidoo kale adag in raadaarka lagu arko.

Markii dayuuradda laga tuuro wuxuu la baxayaa baalal, taasoo siinaysa awood dheeraad ah oo jibaaxid iyo mid koontorool, isla markaana sahlaysa in la kordhiyo xaawaaraha ay ku socoto, iyadoo wax ka dili karta ilaa 60 KM, sida uu sheegay CCTV.

“Mid kasta waxay siddaa 240 nooc oo rasaas-hoosaad oo ka kooban 6 nooc oo kala duwan, taasoo markii lasii daayo daboolaysa 6,000 mitir oo jibbaaran,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan NORINCO.

Waxaa kasii daran in bamkan mar kasta la waafajinayo baxaalliga bartilmaameedka la beegsanayo. Tusaale, haddii la doonayo in taangiyo lagu weeraro waxaa lagu xiri karaa gantaal dile dusha sare kaga soo dusaya taangiga, halka noocyo kale sida shub dalooliye lagu xirayo marka la doonayo in la weeraro dhisamayaal adag.

Hadalsame Media