Bulshada Dhuusamareeb oo weji ka duwan midkii hore ku qaabishey madaxda halkaa shirka u tagtay & hal arrin oo la tebayo (Maxaa is bedeley?)

0

(Dhuusamareeb) 17 Agoosto 2020 – Shirka Dhuusamareeb ayaa u muuqda mid wajigii uu lahaa xiiliyadii hore ka duwan, marka loo eego xag siyaasadeed, xag dhaqaale iyo dhanka isku kalsoonaanta.

Bulshada reer Galmudug gaar ahaan Dhuusamareeb oo si hagar la’aan ah u soo dhawaysay wajigii labaad ee Shirka ayaa hadda muujinaya cagajiid xagga bixinta dhaqaalihii iyo xoolihii ay sida niyad wanaaga ah ugu soo dhaweeyeen madaxdii dalka uu uu ka mid yahay madawayne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Inkasta oo uu madaxwayne Farmaajo tagay Dhuusamareeb xilligii loogu talo galay, haddana waxaa jirta xeelad siyaasadeed oo ku qarsoon tagitaankiisa, sida ay qabaan Siyaasiyiin iyo dadka falanqeeya arrimaha Siyaasadda dalka, xeeladaas oo ah waan imid, waana idin la eegayaa waxa aad ku heshiisaan, balse baarlamaanka ayaa go’aanka kama danbaysta ah leh.

Xeelad taa la mid ah ayaa waxaa iyaguna wata dawlad goboleedyada oo u muuqda kuwo hoos iska og, balse u muujinaya madaxwayne Farmaajo in xagga aragtida ay ku kala duwan yihiin.

Waxa ay Dowlad-goboleedyadu ku midaysan yihiin ayaa ah in aanu shirku furmi karin ilaa laga helayo damaanad caalami ah, oo ah in go’aanka ay wadagaaraan aan loo celin karin Baarlmaanka oo ay tahay in ay siday tahay u dhaqan gasho.

Maadaama uu jiro cadaadis caalami oo Dawladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxwayne Farmaajo ku qasbaya tagitaanka Shirka 3-aad ee Dhuusamareeb, ayay dadka siyaasadda Falanqeeya sheegayaan in uu doonayo in wax kasta oo shirka ka soo baxa uu aqbalo balse uu ogyahay in baarlamaanku diidayo.

Beesha Caalamka oo maalmahaan qoraallo kala duwan ka soo saaraysay arrimaha doorashooyinka iyo shirka Dhuusamareeb ayaa xilligaan u aragta in go’aan uu gaaro madaxwyane Farmaajo iyo Baarlamaankuba aanay dalka ka dhaqangali karin, oo waxa kaliya oo sharci noqon kara ay tahay go’aan wadajir ah oo ay dhinacyada Saamilayda siyaasadda dalku gaaraan.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa ii xaqiijinaya in labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland ay tagayaan Shirka, marka ay damaanad qaad buuxda ka helaan beesha caalamka, balse qodobka doorashada aan laga hadli doonin ilaa uu wax kas badalo mawqif madaxwaynaha dalka ee ah in wixii halkaas ka soo baxa loo celinayo Baarlamaanka.

Waxaa Qoray: Xasan Cadde

Hadalsame Media