”Somalia waa suuqa qura ee aan haysanno!” – Dowladda Kenya oo loo sheegay ”MUHIIMNIMADA” Somalia

0

(Nairobi) 17 Agoosto 2020 – Wasaarad Dibadeedka Kenya waa inay sida ugu dhaqsaha badan ugu dhaqaaqdaa inay la macaamisho Somalia si xayiraadda looga qaado Kenya, sida lagu qoray Busines Daily Africa.

Somalia oo fasixitaanka Miiraa-ga ka reebtay duullimaadyada caalamiga ah oo dib loo furay 3-dii bishan, iyadoo ku dhega adaygtay Wakaaladda Beeraha iyo Cuntada Kenya (AFA) oo Xamar tagtay, isla markaana dalbatay inay kaliya la hadlayso wefdi sare oo Dowladda Kenya ah.

”Kenya, oo adeegsanaysa WAD waa inay la xaashaa Somalia, waayo Miiraagu waa deleg lacag badan noo dhala.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warqaadka Busines Daily Africa ayaa Dowladda Kenya xusuusiyey in Somalia ay tahay suuqa ugu wayn ee ay Kenya maalintii u diri karto 50 tan oo Jaad ah kaddib markii Jaadka laga mamnuucay Yurub badankeed, Maraykanka iyo Canada.

”Beeraleeyda, ganacsatada iyo gaadiidka daabula waxay wada sheegeen in noloshoodu ay haatan ku xiran tahay suuqa Somalia oo ay waajib tahay in laga ilaaliyo inuu xirmo.” ayuu ku dooday Busines Daily Africa.

Meesha ugu sii daran oo ay dadku xubayroobeen xaaladduna ku xun tahay waa gobolka Meru, oo ah qalbiga Qaadka Kenya.

Hadalsame Media