Israel oo kashiftay dalalka ku xiga ee Khaliijka & Afrika ee ay xiriirka rasmiga ah la yeelanayso (Dalal aanad malaynayn oo ku jira)

0

(Tel Aviv) 17 Agoosto 2020 – Israel ayaa kashiftay in dalalka Baxrayn iyo Cumaan ay iyaguna xiriir rasmi ah la yagleeli doonaan oo ay Imaaraadka ku xigaan, sidda uu sheegay Wasiirka Sirdoonka dalkaasi, sida ay qortay Reuters.

“Kaddib heshiiska Imaaraadkaa waxaa iman doona heshiisyo kale, kuwaasoo ka iman doonaa dalalka Khaliijka iyo kuwa Muslimka ah ee Afrika,” ayii yiri Wasiir Eli Cohen oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Xoogga.

“Waxaan qabaa in Baxrayn iyo Cumaan ay sida qayaxan ajendaha ku jiraan. Waxaa dheer in sanadaha soo socda aannu heshiis nabadeed la geli doonno dalal Afrikaan ah, waxaa ka mid ah Suudaan,” ayuu raaciyey.

Baxrayn iyo Cumaan ayaa labaduba amaanay heshiiska Imaaraadka-Israel, waloow aanu midkoodna soo hadal qaadin inuu caadiyayn doono xiriirka uu Yuhuudda la leeyahay.

RW Benjamin Netanyahu ayaa horay ula kulmay madaxda Cumaan iyo Suudaan, iyadoo ay kulamadaasi dheceen labadii sanadood ee ugu dambeeyey.

Hadalsame Media