Amir Khan oo codsaday la kulanka xaaska Erdogan (Dalab cajiib ah oo uu u gudbiyey)

0

(Istanbul) 17 Agoosto 2020 – Xaaska Erdogan ee Emine ayaa soo dhoweeysey oo qaabishey jilaaga caanka ah ee Bollywood, Aamir Khan, kaasoo ay shalay kula shaahdey qasriga Huber Mansion ee Istanbul.

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah u codsaday Khan laftiisa, kaasoo Erdoğan u sheegay inuu Hindiya ka wado mashaariic bulsho, kuwaasoo uu wado sanduuqa Water Foundation, oo wada asaaseen isaga iyo xaaskiisu si biyo loo gaarsiiyo meelaha oomanaha ah ee Hindiya.

Xaaska Khan ayaa lafteedu ku noolaan jirtey Turkiga, taasoo keentay inay la macaamisho dad badan oo Turki ah, isagoo sheegay inay labada dal ka siman yihiin dhinaca qoyska, dhaqanka cuntada, farshaxanka iyo asalka luuqadooda rasmiga ah.

Khan oo sheegay inuu aflaamta ku dhiirri geliyey walaalkii Muslim ah ayaa haatan Turki u jooga inuu helo meel lagu jilo qayb ka mid ah film-kiisa, Laal Singh Chaddha, oo laga dhambalay film-kii classic-ga ahaa ee 1994 soo baxay, “Forrest Gump.”

Film-kan ayaa samayntiisa loo hakiyey cudurka karoonaha oo Hindiya ku faafay. Waxaa lagu wadaa in qaybaha harsan uu ku jilo gobollo ay ku jiraan Niğde, Adana oo uu taageerayaal badan kula kulmay iyo Istanbul isagoo Marwada Turkiga ku casuumey inay kasoo qayb gasho samayntiisa si ay fikrad uga qaadato.

Hadalsame Media