Dunidu waxay u kala maciishad wanaagsan tahay sida ay u kala maangalsan tahay (Soomaalidu waa uun 3 midkood)

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2020 – Dadku goor walba iyo wax walba waa ay isku maandhaafaan, wax qof la toosan baana qof kale la gurracan. Isla markaa haddana waa lamahuraan iyo waajib in la is fahmo si wada noolaashaha dadku u suuroobo.

Markaa si muranka iyo ismaandhaafka loo fardaamiyo oo wada noolaansho u suuroobo, fikirka maskaxduna macno u yeesho, waa in uu jiraa xeer caqliyeed loo raaco ka la basrinta waxa gurracan iyo waxa toosan.

Xeerkaa caqliyeed waxaa u gu horreeya in wax walba oo jira la isla aqoonsado magacna loo wada yaqaan. Tusaale ahaan haddii aan idhaahdo “dameerku waa noole afar addin leh oo aan garaad lahayn la guna shaqaysto”, waa in aan xaafad kale la ga dhihi karin “dameerku waa mishiin afar shaag leh oo la farsameeyo”.

Haddii kale meesha dadnimo ma taal ee waa in aynnu sida xoolaha iska ka la daaq tagnaa. Dadku weligiiba intii uu garaad lahaa xeerkaa wuu ku dhaqmayay, hayeeshee 2300 sano hortood ayay Giriiggu cilmiyeeyeen oo u bixiyeen Logic taas oo la macne ah Maangal, Carabidana Mandiq.

Afafka Yurub imika waxaa la gu sii qeexaa science of reasoning (cilmiga sababaynta), waayo waa aqoon ku baraysa in aad sabab maangal ah u yeesho waxa aad ku hadlaysid ama samaynaysid. Sidaa darteed cilmiga Maangalka xilkiisu waa in uu habeeyo garashada, oo ka la saaro waxa qumman iyo waxa qalloocan.

Taa qeexisteedu waa: “Logic waa xeer agab oo loo adeegsado in uu maskaxda ka ilaaliyo gefka”. Xaqiiqadu wax ay tahay, maanta bulshooyinku sida ay u ka la nolol wanaagsan yihiin waa sida ay dhaqan ahaan iyo aqoon ahaanba u gu ka la dhow yihiin adeegsiga xeerka maangalka.

Qofka reer Yurub si wal oo uu macangag u yahay kolka aad hadal gar ah ku tidhaahdo badanaa wuu gaabsadaa ama garaabaa, waana ay adag tahay in uu muran waalan qardajeexo, waayo wax uu ku dhex nool yahay dhaqan maangalnimo ku dhisan. Dhaqankan Yurub waxaa u xoojiyay kacaankii ifinta fikirka ee ay u la baxeen Enlightenment ee saddex qarni ka hor u soo baxay.

Innagu in aynnu dagaallannay oo burburnay oo tafaraaruqnay welina halkii ka sii wadno waxaa keenaysa in aan ficilladeennu maangal ahayn.

Markaa waa saddex mid uun: in aynnu waalwaalan nahay, in aynnu doqomo nahay, ama in aynnu nahay cawaan aan ilbaxnimo lahayn oo fikirkoodu qaab lahayn.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media