XOG CULUS: ”Waan idinka tegayaa!” – Lionel Messi oo wargeliyey Barcelona & laba kooxood oo saxiixiisa ugu cad cad

0

(Barcelona) 16 Agoosto 2020 – Inter Milan ayaa heegan sare ku jirta kaddib markii ay soo hor yeesheen warar sheegaya in Lionel Messi uu Barcelona si cad cad ugu sharraxay inuu ka socdo xagaagan, ee aanu sugayn 2021-ka, jeer Ronald Koeman loo wado inuu macallin u noqdo kooxda.

Waxaa durba soo baxaya warar tibaaxaya in Messi uu aad uga baaraandegey ka tegista Camp Nou kaddib guuldarradii bahdilka ahayd ee ay 8-2 Champions League rubuc-dhamaadkiisa ku rarmisay kooxda reer Bavaria ee Bayern Munich.

Waxaa arrinta dab ku siii shidday aamusnaantiisa dheer jeer uu qandaraaskiisu dhacayo Juun 2021-ka, isagoo sidaa darteed wakiil la’aan ku tegi kara wixii loo gaaro bisha Jannaayo 2021-ka.

Yeelkeede, Esporte Interativo ayaa kuba doodaya in maamulka sare ee naadigu uuba ogyahay go’aanka ah inuu isla xagaagan tegayo Messi, sida uu sheegayo weriye Marcelo Bechler oo ahaa ninkii soo hor sheegay wareegistii Neymar ee PSG.

Barcelona ayaase iyadu diidmo warkan ku saabsan soo marisay Mundo Deportivo.

KOOXDEE AADI KARAA? Inter Milan ayaa ah midda ugu cad cad jookarka reer Argentina si uu hawada u bedesho iyadoo diyaarisay 50 milyan oo ay sanadkii siinayso, halka  Manchester City ee tahay musharraxa kale.

Si kastaba, Barcelona ayaa ku jirta xaalad foowdo ah iyada oo kulan deg deg ah oo berri dhacaya lagu wado in lagu eryo macallin Quique Setien Maareeyaha Ciyaaraha Eric Abidal.

Hadalsame Media