Yaa fududeeya qaraxyada gaaraya bartilmaameedyo aysan dadku xitaa mari karin? (Arag hab-dhaqankan cajiibka ah)

0

(Muqdisho) 16 Agoosto 2020 – Waxaa galabta weerar qorshaysan oo ay sida cad dhinacyo badani isla dejiyeen lagu weeraray Elite Hotel, halkaasoo ay dad rayid ihi ku le’deen qaarna ku dhinteen.

Waxaa weerarkaasi oo soconayey in ka badan 4 saacadood haatan la sheegayaa in lasoo af jaray iyadoo ay dhinteen dad dhan 15 qofood inta la hayo.

YAA SAHLA QARAXYADAN? Magaalada Muqdisho ayay jidadku inta badan xiran yihiin misna qaraxyada ayaa gaara bartilmaameedyo kala duwan waxaana la is waydiiyaa sida ay taasi ku dhacdo ama ku suura gasho.

Qof goobjoog ah oo Muqdisho aqoon u leh ayaa Hadalsame Media u sheegay hab-dhaqanka liita, hab-raac aanay xirfadda iyo ka fikiridda nafta insaanku ka muuqan ee ay muujiyaan Ciidamada u xil saaran inay amaanka sugaan.

Tusaale, waxaa la xaqiijiyey in askarta taagan ama illaalisa koontaroollada laga galo Liido ay qofkii Bajaaj wata ka qaataan lacag dhan hal doollar, kaddibna uu iska gelayo meesha.

Qofkii baabuur wata ayaa isna la sheegay inuu in yar uun ku biirinayo lacagta ay Bajaajtu ku gudubto. ”Sidii aroos ayaaba laguu gelbinayaa oo meeshii aad doonto laguu gaynayaa.” ayuu yiri qof xog ogaal ah.

Waxaa intaa dheer, in xitaa la ogol yahay gorgortan oo qofkii cabaada oo sheega inuu nus doollar oo qura haysto laftiisa waa la sii daynayaa. Adigu kaliya iska jir inaadan waxba dhiibin oo aad gacmo maran lasoo istaagto.

”Inta badan Ciidamada ka howlgala Baraha Koontaroolladu waa noocaas, taasoo ay waliba farsamooyinka siyaasadeed kuu dheer yihiin.” ayuu yiri nin magaciisa kusoo koobay Maxamed.

Waxaa halkaa ka muuqata in aanu jirin hannaan amaan oo qiyam iyo isla xisaabtan ku dhisan, iyadoo ay sidaa baylah ku tahay nafta iyo hantida umadda maalin kasta lala beegsado weerarro aan la fahmi karin sababta loola majeersanayo meelo uu mujtamacu ku badan yahay.

Waxaa intaa dheer hab-dhaqanka shacabka Muqdisho oo inay arrintan ka dhiidhiyaan ama diiradda saaraan ka door bida inay ka gaabsadaan oo xanuunka iskaga adkaystaan.

Hadalsame Media