TAKOORKA CAQLIGA: Ha aqbalin inaad fariisato boos hoose oo uu qof kale kuu ishaaray! (Akhri 3-dan qodob)

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2020 – Takoorka Caqliga – Adduunka oo dhan waxaa ka jira dad la takooro. Dadkaasu kama muuqdaan siyaasadda, aqoonta, ganacsiga iyo golayaasha bulshadu magaca iyo sharafta ku sheegaan.

Qofka marka waalidkii la takoori jirey oo la qabadsiiyey inay aqbalaan nolol ciriiri ah oo qabtaan shaqooyin gaar ah, wuxuu isaguna baranayaa inuu hankiisa xad u yeelo oo baahida maskaxiidsa yareeyo kuna koobo meelo hoose iyo xayndaab ay sameeyeen bulshada uu la nool yahay.

1. Hindiya waxaa jira dabaqad la yiraahdo Brahmins oo 8% ka ah tirada guud ee Hindiya laakiin 16kii Ra’iisul Wasaare ee soo maray Hindiya kala ka badan waxay ahaayeen Brahmin. Dhammaan Hindidii ku guulaysatay Nobel Prize waxay ahaayeen Brahmin (Tagore, Sen, Raman, Satyarthi, Chandrasekhar). Saxaafadda, ganacsiga iyo jaamacadaha iyagaa ugu badan.

2. Wiil Soomaali ah oo dibedda iskuul ku soo dhammaystay ayaa Xamar ugu soo noqday jaamacad. Wuxuu galay kulliyaddii macallimiinta farsamada iyo ganacsiga (Polytechnic) ee ku taalley KM4. Wuxuu qaataa boorso dhabarka la saarto oo leh labo xarig oo garbaha la surto. Ardayda kale buugga ay maalintaas leeyihiin ayey ganacta ku lalmiyaan. Waxay weydiiyeen boorsada waxa ugu jira. Wuxuu yiri quraac ayaan ku soo qaataa. Ceeb ayey ahayd in qofku cunto shaqada ama iskuulka u sii qaato. Waxay noqotay sheeko lagu maadsado oo wiilkii magaciisii ayaa waxaa gadaal laga raaciyey ‘Baac’ ama doqon. Wiilkii waa la doqomeeyey isaguna waa doqomoobay oo dhawr maaddo ayuu ku dhacay. Mar dambe ayuu u wareegay Lafoole oo sannad walba noqon jirey ardayga koowaad. Waxaa laga yaabaa inuu boorsadii iska dhigay.

3. Waddamada galbeedka ardayda aan caddaanka ahayn waxaa in badan niyad jebiya maccalinka. Macallinku marka hore ayuu maskaxdiisa meel ka dejiyey wiilka ama gabadha madaw waxay ay awoodi karto ama noqon karto. Hadduu arko inay waxoogaa akhrin karaan wuxuu yiraahdaa ‘Brilliant!’ aad ayaad u fiican tahay. Waalidkana wuxuu ku yiraahdaa ilmihiinnu sidaan moodayey aad ayu uuga sarreeyaa (yacni qof madow meeshaan ka filayey waa ka sarreeyaa). Waalidkuna haddaanay su’aalo kale sii weydiin waxay isaga qancayaan in wax walba caadi yihiin. Halkaas waxaa ku baaba’a mustaqbalkii ilmahaas.

Dadku waa isku caqli laakiin qofna waxaa fursad loo siiyaa inuu tiigsado meel sare qaarna waxaa bulshadu ku albaabtaa meel ciriiri ah.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media