Siyaasi muujiyey inuu si wanaagsan u yaqaanno sida loo gedgeddiyo turubka siyaasadda Somalia (Waa kee?)

0

(Hadalsame) 16 Agoosto 2020 – Marka hore raalli noqo, waan ogahay oo waxaad raadinaysaa siyaasi khiyaano badan, yaqaanna sida wax loo lug gooyo, dadka loo isticmaalo, la iskaga hor keeno, loo kala diro, been loogu sheego, oo nasiib xumo, waloow aanad wax aqoon ah siyaasadda iyo wax kaleba u lahayn misna kaas ayaad siyaasi u taqaannaa siyaasadna sidaa ayaad u fahamsan tahay oo adiga oo afka ka ubrinaya ayaad fadhi ku dirirka ka tiraahdaa ”adeer siyaasaddu waa khiyaano”.

Siyaasadda xeeladi kama marna, balse waa inay xeeladdaasi salka ku haysaa ujeed wanaagsan oo ay dan guud umadda ugu jirto, isla markaana ay tahay mid daaran midnimada iyo samaha umadda.

Weli ma maqashay in 11-dii Abriil 2019-kii uu Wasiirka Olombikada Japan, Yoshitaka Sakurada, uu raalli gelin qalbi ah bixiyey isla markaana is casiley. Kaalay muxuu sameeyey? Malaha dad buu laayey? Mayee maxkamad baa musuq ku heshay? Malaha waa khaa’inul waddan? Mayee beeshiisa ayaan hubaysnayn?! Waxaas oo dhan ma aha. Wuxuu kaliya soo daahay 3 daqiiqadood.

Bishii Oktoobar 7, 2011, warqaadka Aftonbladet ayaa daabacay sheeko keentay inuu is casilo hoggaankii Xisbiga Social Democrates oo ah midka ugu wayn Sweden 21-kii Jannaayo 2012. 

Muxuu sameeyey? Wuxuu lacag aad u yar oo lagu kabo kirada guryaha (bostadsbidrag) ka qaatay Khasnadda Caymiska Dadwaynaha, tiiyoo ay jirto in uu Baarlamanku wada bixiyey kirada gurigiisa Stockholm, waxaa kale oo uu wargaysku kashifay inuu guriga qof kale la degganaa tan iyo Juun 2009-kii, taasoo ka dhigan in isaga ay ku waajibtey kala bar uun kirada gurigu.

Waa laba tusaale oo yar yar oo ka dhacay laba dal oo aysan dadku xitaa diinba haysan oo ay u badan yihiin mulxidiin, balse aan laga aqoonin dhaqanka ah ”siyaasaddu waa khiyaano, siyaasaddu waa danaysi, siyaasaddu waa dhaca xoolaha danyarta, siyaasaddu waa nin jeclaysi iyo nin tooxsi iwm.”

Maqaal lagu qoray Foriegn Policy waxaa lagu sharraxay waxa ay siyaasadi tahay; waxaana far waawayn lagu caddeeyey inay siyaasaddu tahay hoggaamin, xeer jajab, adeeg bixin, diiradda saaridda barwaaqa sooranka danyarta, ilaalinta danaha qaranka, ilaalinta xeerka dadwaynaha iyo qandaraaska bulshada, inay tahay qorshayn, fulin, daacadnimo iyo isla xisaabtan.

Maadaama uu moowduucani bad yahay uga dhermi mayno qoraal kooban, balse si aanu dareenkaagu u kala jiidmin bal ku dul fikir dhacdooyinka aan soo qaadannay oo ah kuwo aan mala awaal ahayn, balse horteenna ka dhacay. Isu eeg farqiga u dhexeeya Japan, Sweden iyo Somalia.

Labadaa dal waxay malaayiin ugu deeqaan Somalia oo iyada oo ku faraxsan gacan hoorsiga 60 sano oo ceebaysan jirta. Muddadaa 60-ka sano ahayd waxa qura ee lagu xisaabtamaa waa kaalmadaa dibadeed, balse haddii ay lacalla Sucuudigu shidaal ugu deeqaan Dowladda Somalia ee kayd shidaal lagu shubo, marka gawaarida la siiyo waxaa dhacaysa in inta meel gees ah gaariga lagu baakimo shidaalkii deeqda ahaa laga daadsado ee suuqa madoow loo iib geeyo.

U fiirso, siyaasiyiinta Maamul-goboleedyada oo aan aalaaba daacad u ahayn qaran walaa qabiil, marka qura ee ay qayliyaan waa marka ay ka hadlayaan wax ay u yaqaannaan ”deeqda caalamiga ah”. Waxaad maqlaysaa isagoo leh ”adeer deeqda qaybtayada cidna u daba fadhiisan mayno!” Qaybtaadee? Yaa ku siiyey? Goorma ayaad shaqaysatay? Yaa dalka ku siinaya ku xukumay inuu deeq ku siiyo? Haddii deeq lagu siiya se aayahaaga ma u madax bannaan tahay? Horumar se abid malagu sameeyey deeq caalami ah oo ceeriinka lagu qaybsanayo?

Yay kula noqonin in aan moowduucii ka baxay. May, balse 60-kaa sano waxaan doonaynaa inaan xadno lacag uu tashiilay Wasiir Japanese ama Swedish ah oo aan isaga loo ogolayn inuu kafee ka cabo shilin aan la isla ogeyn, sidii dhacday 2010-kii oo wefdi Swedish ah oo Faransiiska tegey lagu qabsaday lacago yar yar oo ay hoteello ku isticmaaleen. Weliba siyaasigeennu wuxuu doonayaa inuu inta shaarib nooc kale ah samaysto uu ku kibro shilimaadkii dawarsiga ahaa ee uu sida bahdilan kusoo yaboohsaday.

Haddaan soo xooriyo, waxaas oo dhan waxaa noo dhashay aragtida ah ”adeer siyaasaddu waa khiyaano!”, waayo siyaasi aad khaa’innimo ugu duceysey shilin kusoo gaari maysid, wixii loo dhiibaana waa dheri dabada ka daloola daafi lagu shubay. Dalalka uu xisaabtanka dhabta ihi ka jiro ee aan laga aaminsanayn siyaasaddu waa ”khiyaano” ayaa intaa iska horeeynaya siyaasiga, ka warran mid ay dadkiisuba caqli xumo inta ay ka gaareen ay dhacooda ku dhiiri gelinayaan? Nacasoow nasiibkaa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media