Kenya oo ugu dambayn ogolaatay cadaadis uga yimid dhanka DF Somalia & tillaabo ay qaadayso

0

(Nairobi) 16 Agoosto 2020 – Wasaarad Dibadeedka Kenya ayaa ogolaatay soo jeedin ka timid  DF Somalia oo ku saabsan in ay Dowladda Kenya oo qura kala hadlayso arrimaha Jaadka, iyadoo horay dhegaha uga furaysatay wefdi ka socdey Jamciyadda Jaadlayda iyo Wakaaladda Cuntada iyo Beeraha Kenya (AFA).

Joojinta Jaadka oo ay Kenya maalintii ka hesho 100m oo Shilin ayaa dhibaato dhaqaale u gaystey Kenyan badan sida ninkan.

“Handaraabka Covid-19 kahor, waxaan bil kasta 3 milyan oo Shilin ka heli jirey Jaadka, balse hadda waxba ma helo shaqaalihii ii shaqaynayeyna waa baagamuundo,” ayuu yiri Moses Lichoro, oo beer JAAD ku leh Kabuitu oo ku taalla Igembe Central.

Maamulaha AFA, Anne Nyagah, ayaa Business Daily u sheegtay in arrinta ay la xaali doonto Waaxda Xiriirrada Dibedda iyo Ganacsiga ku qaybsan ee Wasaarad Diibadeedka Kenya.

“Waxaa arrintan loo mari doonaa WAD,” ayay tiri Marwo Nyagah oo daba socotey dalabka DF Somalia oo ah inay kaliya Dowlad la sheekaysanayso.

“Waxaa Somalia tegey wefdi ka socda Wakaaladda Cuntada iyo Beeraha Kenya (AFA), balse waxba lagama dhegeysan waqtigaas,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan AFA oo is qariyey.

DF Somalia oo 3-dii Agoosto dib u furtay duullimaadyada caalamiga ah ayaa iska diidey inay Jaadka fasaxdo waloow ay Wasiirrada qaar sidaa doonayeen, waana maangal tillaabada DF maadaama ay Nairobi Somalia ku dartay liiska dalalka aan u safri karin Kenya.

Hadalsame Media

Facebook Comments