”Hoggaamiye waa midkii muujiya inuu ka murugsan yahay adeegga MUJTAMACIISA” – Duruuf ka jirta Muqdidho & Hargaysa

0

(Hadalsame) 16 Agoosto 2020 – Hogaamiye waa kii adeega dadkiisu murug ku hayo. Waxaan arkay Kualalumpur muddadii yarayd ee Dr. Mahathir ku soo noqday PM wuxuu sameeyey basas (free) ah oo meelo cayiman dadka ka qaada oo magaalada KL bartameheeda geeya. Waxaa la dhahaa waa basaskii Dr. M sameeyey.

Markaan Muqdisha ama Hargeisa tago waxaan ka murugoodaa dadweynaha iyo danyartu sidey ugu dhibban yihiin gaadiidka dadweynaha. Rafaadka dadka ka haysta, danyar, dumar, arday, xoogsato, Waxaan is weydiiyaa: Duqayda Caasimadahaas, mexey ka shaqeeyaan? Miyaaney dhaayo iyo dhego lahayn? Rafaadka dadweynohooda haysta ma arkaan miyaa? Kaaga daran landcruiser xiimeysa ayey ku ag maraan? Iyo sida hawshaasu u fududahay.

Aqoonyahan, xirfadle, Soomaali ah, oo caasimad ka mid ah kuwa yurub ugu weyn, gaadiidkeeda dadweyne wax ka maamula, ayaanu weydiiyey: ”Saaxiibow caasimadda Muqdisho dadku 90% waa danyar, arday, xoogsato, ee qorshe ma iigu dejin kartaan gaadiid dadweyne, oo nadiif ah, oo qiime yar, aan ugu heli karo?”

Wuxuu yiri: ”Waa fududahay. Waxaan iri maxaan u baahnahay? Wuxuu yiri: waxaad u baahantahay: 1) Go’aan 2) Qorshe 3) sugid amni iyo 4) Miisaaniyad.

Waxaan ku iri: Go’aanka iyo amniga iyo miisaaniyadda igu daa! Adigana qorshaha iyo farsamada. Wuxuu yiri: waa hagaag, maxaa ka fiican. Anigoo arrintii weli ku sii fekeraya ayaan xusuustay, aqoonyahan kale oo xirfadle ah oo Soomaali ah oo caasimadda Maraykanka ee Washington DC, muddo dheer nidaamka gaadiidka ka shaqayn jirey, oo maalinkii Sebt. 2011 dhacday caasimadda qorshihii gaadiidka loo kala guri lahaa dejiyey.

Kaddibna waxaan xusuustay tobanaan kale oo xirfadohooda meesha ugu sarreeysa ka gaarey, oo caasimado kala duwan adduunka ka shaqeeya, lagana faa’iidaysan karo hadii rabitaan iyo go’aan uu jiro, waxaanse garwaaqsaday inaan kuwaas iyo kuwa la midka ah weli qarnigoodii la gaarin, meeshana hadda ay ku jala butaynayaan quruumo kale.

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media