FALANQAYN: Seddax sababood oo ay sax u tahay in dib loo saxo Buugga QAB & QUURSI

0

(Hadalsame) 16 Agoosto 2020 – Meelo ka mid ah buugga uu qoray Mudane Cabdi Faarax Juxaa ayaa waxaa haysta buuq looga eed sheeganayo xagga siyaasadda, diinta iyo dhaqanka. Intaanan qoraalka aragti ka dhiiban, horta caddaaladdu waa fiican tahaye ,aan sheego wixii aan ammaan u ogahay qoraaga.

Magaaladaaan deggenahay waxaa ila jooga aqoonyahan Soomaali ah oo ilaa 20 sano macallin ka ahaa kulliyad Injeernimo oo shahaado sare ka soo qaatay jaamacadaha ugu fiican Ingiriiska (Imperial College). Wuxuu ii sheegay inuu isagoo dhallinyaro ah waddanka ka qaxay 1990 oo isaga iyo dhallinyaro badan oo aan af aqoon, hanti bandanna aan haysan ay isugu tageen magaalada Baraag (Prague) ee waddankii Jekoslafaakiya. Qabow, gaajo iyo guri la’aan ayaa na soo wajahday.

Wuxuu yiri nin Soomaali ah oo arday ah oo la yiraahdo Cabdi Faarax ayaa muddo bil ku dhaw nooga baxay qolkiisii oo wixii aan u baahanno maalin walba nala dul taagnaa ilaa keennii ugu dambeeyey u sii gudbay meeshii uu socday. Saaxiibkay ilaa saddex jeer sheekadaas waa ii sheegay oo gobanimadii ninkaas aanay is aqoon oo aanay isku reerka ahayn ayuu aad iigu ammaanaa welina waa wada joognaa magaalada. Magaca ninkaas iyo sifooyinka uu ii sheegay waxaan u qaatay inuu ahaa Mudane Juxaa.

Waxaan kaloo shaki ku jirin waxqabadkii adkaa ee uu juxaa ka soo qaatay waxbarashada Puntland oo uu shan sano ka ahaa Wasiir iyo tii dawladda dhexe uu waqti ka qabtay arrimaha gudaha. Aqoontiisa, hoggaamintiisa iyo habqoraalkiisa intaba waa wax dadka uu la shaqeeyey ay u qirayaan, dadkuna waa markhaanti. Ceeb iyo eed looma hayn ilaa buugga, oo muddo yaalley suuqa, sawirro laga soo qaaday oo ay muuqatay inaan meelahaas, dadkii markhaantiga ahaa, raalli ka ahayn. Buugga waxaan ka khariyey inta loo turjumay Ingiriiska oo si furan warbaahinta loogu baahiyey waxaanan qirayaa inay i jecleysiisay inaan buugga sii akhriyo mase awoodin. Muuqaal aad u sarreeya oo ilmo yar oo dhib ku koraya ayuu sawirayaa.

Waan hubaa in Mudane Juxaa daabacaadaha dambe kordhin, dhimis iyo sixidba ku samayn doono waana arrin dabiici ah in aan buug iyo qoraal ceeb loo waayin.

Haddaba, waxaan kula talinayaa inuu inta tumashada ka sheekaynaysa ka saaro sababo dhawr ahba. Hor iyo horraan waxaad tahay macallin. Waxaad macallin u tahay ubadkaaga, kuwa Soomaaliyeed iyo dhallinyaro aqoontaada iyo hoggaamintaada tiigsanaysa. Macallinku waxa uu afka ka gudbiyo waxaa ka xeeldheer waxa uu falkiisa ku gudbiyo. Xaashaa Lilaah, waan hubaa inaadan jeclayn in waxaas dhallinyaro samayso laakiin si dadban (subconscious) ayey u gelaysaa oo inay caadi tahay oo daka fiicanba sameeyaan ayay u qaadanayaan.

Tan labaad qof aan qalad soo marin ma jiro, laakiin wixii dembi ah Ilaahay waa dhaafaa haddaan lala soo shir tegin oo aan laga sheekayn. Dadka fiican dembi la’aan maaha ee debmigooday qarsadaan. Tan saddexaad, ummad ay dhici karto inaad mar hoggaamiso sida aad la jeceshahay inay u dhaqmaan ugu muuji hadal, qoraal iyo ficil. Hoggaamiyuhu wuxuu wax ku xukumaa ama xoog ama in dadku qaddariyaan. Kolley nin xoog wax ku xukumi doona uma ekid ee tii qaddarinta iyo ixtiraamka meel sii dhigo oo dhawrkaas baal beddel.

Ugu dambayn, buugga anigoon wada akhriyin inaan wax ka qoro waa igu gaabis. Laakiin meesha aan joogo way adag tahay inaan helo buugga marka qoraalku wuxuu micne yeelanayaa haddii inta la soo sawiray ay sidaas ku dhan tahay.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media