DAAWO: ”Waxaan ku heshiinney in MW Farmaajo luuq lagu sii hayo si RW Abiy Ahmed loo muuneeyo!” – Siyaasi kashifay arrin lagu war la’aa

0

(Hargaysa) 16 Agoosto 2020 – Siyaasiga Cabdulqaadir Jirde oo ka mid siyaasiyiinta waxgaradka ah ee Somaliland, ayaa kashifay arrin aan horay loo ogayn oo ku saabsan booqasho banjartay oo ay MW Farmaajo & Abiy Ahmed Hargaysa ku tegi lahaayeen.

Jirde oo sidoo kale ah nin aqoonyahan ah ayaa sheegay in 6:30 ay soo weceen MW Somaliland, Muuse Biixi, kaddibna telefoon loogu sheegay inay soo socdaan. Wuxuu sheegay in roog cas iyo calanka Itoobiya la qaaday, balse lagu heshiiyey in MW Farmaajo aan la maamuusin oo meel luuq ah lagu sii hayo inta uu salaanta qaadanayo.

”Odayaal halloo diroo marka aad adiga Abiy dhamaysataan u tagoo ku dheh ”walaal waan ka xumahay inaanan waqti kuu helin.”

Jirde ayaa MW Farmaajo ku eedeeynaya inuusan xeerinin qadiyadda Jabuuti, balse wuxuu sheegay in ay caadi tahay in aanu isagu xeerinin ixtiraamka laga mudan yahay markii gurigiisa loogu tago.

Arrintan ayaa laga garan karaa sida ay maanta u dayacan tahay Soomaalidu iyo sida ay Itoobiya ugu guulaysatey istaraatijiyaddii siyaasad-dhuleed ee Somalia beri kala dhexeeysey, taasoo halkii ay mar ka ahayd dal la xafiiltama Itoobiya maanta dal isagu xafiiltama balse u kala dheereeya xurmaynta iyo sarrraysiinta Itoobiya.

Beri dhowayd Wasaarad Dibadeedka Itoobiya ayaa af cad ku sheegtay in aanu jirin dal ku yaalla Bariga Afrika oo ku dhaca inuu saldhig ciidan siiyo dal 3-aad oo halis ku ah danaha Itoobiya.

Itoobiya dabcan la hadli mayso Kenya, Uganda, Tanzania, Eritrea walaa Suudaan oo ku wada yaalla Bariga Afrika, balse waxay toos ula hadlaysaa Soomaalida.

Hadalsame Media