XOG: Puntland iyo Jubbaland oo qaaddacay Shirka Dhuusamareeb (3 arrimood oo ay cuskadeen)

0

(Muqdisho) 16 Agoosto 2020 – War aan rasmi ahayn oo aan goor dhaw ka helay dhanka Garoowe ayaa ii xqiijinaya in labada Maamul-goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ba ay qaadhaceen imaanshiyaha shirka Dhuusamareeb, iyaga oo ka biyo diidan 3 arrimood oo Kala ah:.

1 – in aanay jirin Xukuumad iyo RW sii wadi kara natiijo kasta oo kasoo baxda Shirka Dhuusamareeb.

2 – In hadalkii Madaxwayne Farmaajo Ka jeediyay Golaha Shacab uu ahaa mid wadada Ka leexinaya natiijo lagu camal falo oo Ka yimaada Shirka Dhuusamareeb.

3 – In aan kalsooni lagu qabi Karin Madaxwayne Farmaajo, marka la fiiriyo tallaabooyinkii uu qaaday shirkii Dhuusamareeb 2 kaddib iyo habdhaqankiisii xiritaankii Shirkaas.

Waxaana sarkaal Sare oo ka tirsan Maamulka Puntland uu sheegay in iyada oo aan arrimahaas oo dhan xal laga gaarin ay adag tahay Ka soo qaybgalka Shirka 3-aad ee Dhuusamareeb.

Labada Madaxwayne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa xilligaan kala jooga Nairobi iyo Jabuuti, waloow Siciid Dani uu galabta soo gaarayo Garoowe.

Siyaasiyiinta iyo dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in aanay xaaladdu ka fursan doonin soo faragalinta beesha caalamka, mar hadii kalsoonidii Madaxwayne Farmaajo iyo Xubnaha Maamul goboleedyada qaar kood ay shaki gashay.

Waxaa Soo Ururiyey: Xasan Cadde

Hadalsame Media