JARMALKA: Iska jir waxa aad sheegayso. Gabar Soomaali ah oo dacwad loogu haysto nin ay sheegtay inay toorriyeeysey kaddib markii uu ”kufsaday”

0

(Detmold) 15 Agoosto 2020 – Gabar Soomaaliyeed oo Jarmalka iska dhiibtey 2017-kii, ayaa waxaa ku dheggan Maxkamadda Degmada Detmold iyadoo ku eedaysan isku day dil, iyadoo go’aanka la sugayo 21-ka bishan, sida uu sheegay afhayeenka Maxkamaddu, sida uu qoray Welt.

Gabadhan ayaa loo haystaa kelmad afkeeda kasoo baxday, kaddib markii ay sheegtay inay isku dayday dilka 2 nin oo kufsaday bishii Juun 2013-kii, kuwaasoo ay midkood meel mugdi ah ku gaadday kaddibna ay dhabarka 2 jeer toorreey kala heshay, waloow uu ka kacay, sida ay waraysigii is dhiibitaanka ku sheegtay.

Yeelkeede, dacwad oogayaasha ayaa haweenaydan kusoo oogey dacwad ah isku day dil, iyadoo guud ahaanba dacwadda loo cuskanayo wixii ay iyadu afkeeda ku sheegtay markii ay bilowgii is dhiibaysey.

Haweenaydan ayaa Somalia kasoo carartay iyada oo ay wehliyaan 2 carruur ah iyadoo sheegtay inay nafteeda u cabsanayso.

Marka la eego Xeerka Federaalka Jarmanka, haweenaydani waa dembiile, balse looma dhiibi karo Somalia, waayo waxaa ka jirta ciqaabta madaniga ah ee dilka oo aan Jarmanka laga ogolayn, sidaa darteed waxaa lagu maxkamadaynayaa Jarmanka.

Hadalsame Media