KASHIFAAD: Dal Carbeed oo is qarinaya oo la sheegay inuu isna xiriir rasmi ah la yeelan doono Israel (Ma yahay dalka aad moodayso?)

0

(Washington DC) 15 Agoosto 2020 – Wiilka uu sodogga u yahay Donald Trump, Jared Kushner, ayaa sheegay inuu si buuxda u rajaynayo inuu Sucuudiguna xiriir la yeelanayo Israel, waloow aanu Sucuudigu soo dhowaynin xiriirka Israel iyo Imaaraadka, kaasoo Khamiistii lagu dhawaaqay.

Sucuudiga, oo ka mid ah xulufada dhow ee Imaaraadka, ayaa ka gaabsaday heshiiskaas, balse Kushner ayaa CNBC u sheegay in aan laga fursan doonin xiriir dhexmara Sucuudiga iyo Israel.

“Waxaan qabaa in Sucuudiga iyo Israel ay xiriirkooda dhaqse u caadiyayn doonaan oo ay weliba wax badan isla qaban doonaan,” ayuu yiri.

Ninkan oo Yuhuudi ah isla markaana ah ninka ka dambeeya wax lagu sheegay ”Heshiiskii Qarniga” ayaa rajeeyey in ay Bariga Dhexe ka hana qaadi doonaan waayo cusub, sida uu yiri.

Sida la fahamsan yahay, dalka Baxrayn ayaa lagu wadaa inuu noqdo dalka ku xigi doona Imaaraadka kahor Sucuudiga oo laftiisu haatan xiriir hoose la wada Yuhuudda.

Dad badan ayaa qaba in talisyada Khaliijku ay tanaasul dheeraad ah u sameeyeen iyagoo eeganaya in ay sii jiraan nidaamyadooda kali taliska ah iyadoo looga bedeshey inay Israel la heshiiyaan isla markaana ay Iiraan wada wajahaan, taasoo aan ahayn wax u danaynaya qaddiyadaha iyo danaha Carabta iyo Muslimiinta.

Hadalsame Media