Somaliland oo soo dhoweeysey ”heshiiska” Imaaraadka & Israel (Khalad juqraafi ah)

0

(Nairobi) 15 Agoosto 2020 – Somaliland ayaa ku biirtay dhinacyada soo dhoweeyey wax lagu sheegay ”heshiis taariikhi ah” oo Khamiistii dhexmaray Imaaraadka Carabta iyo Israel, sida lagu qoray Busiweek.

Imaaraadka ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee Khaliiji ah ee xiriir rasmi ah la yagleela Yuhuudda, waloow la sheego inuu sanado badanba la lahaa xiriir dadban oo dadka laga qarinayey, iyagoo sheegay inay iska kaashan doonaan dhinacyada maalgelinta, amaanka, tamarta, dhaqaalaha iwm.

Heshiiskan loogu yeero “Heshiiskii Ibraahiim”, ayaa waxaa soo dhoweeyey wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cumar Cawil kaasoo sheegay inuu yahay tusaale wanaagsan oo ku saabsan sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen dalalka deriska ihi, tiiyoo aanay labadan dal derisba ahayn.

“Dad nabadda jecel ahaan waxaannu taageeraynaa heshiiskan taariikhiga ah ee Imaaraadka iyo Israel ee meesha ka saaraya qaadashada Israel ee Daanta Galbeed,” ayuu yiri Baashe oo horay wakiil uga ahaa Imaaraadka, waloow ay Israel isla dorraad sheegtay inaan arrintaa waxba iska bedelin.

Dalal badan oo Muslim ah iyo Falastiiniyiinta ayaa heshiiska la sheegayo ku tilmaamay ”khiyaano umadeed”, iyadoo uu Turkigu xitaa gaarey heer uu ku hanjabo inuu xiriirka diblomaasiyaadeed u jari karo Imaaraadka.

Hadalsame Media