”Ii dhiib aan kuugu dhigee!” – Arrin naxdin leh oo laga soo sheegay maxkamadaha garsoorka ee Muqdisho & tillaabo lagu baaqay

0

(Muqdisho) 15 Agoosto 2020 – Garsoore ka tirsan Gasoorayaasha Soomaaliyeed ayaa ka codsadey Hanti dhowrka Qaranka in ay baaraan Maxkamadda Sare iyo Maxkamadaha Gobolka Banaadir in ay lacag Malaayiin ah ka sameeyaan Bishii dadka garsoorka u soo doonanaya Maxkamadaha

Garsoore Mukhtaar Nuur Abuukar oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Racfaanka hore u soo noqdey Ku xigeen Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegey in dadka Dacwadaha u soo doonta marka hore laga qaado lacag dhan 200 oo Doolar oo Furitaanka Gal dacwadeedka ah iyo lacag 300 oo doolar oo uu ku sheegey Sugnaan dacwadeed

Garsoore Mukhtaar waxaa uu sheegey in markii la isku celceliyo lacagtaas ay gaareyso Bishii Hal Milyan oo doolar waxaa uu sheegey in lacagtaas ay jeebab gaar ah ku dhacdo oo aysan ku dhicin Khasnadda Dowladda

Garsoore Mukhtaar waxaa uu sheegey in lacag gaareysa 800 oo kun doolar oo Hayadda UNDP ay ugu deegdey Maxkamadaha Degmooyinka si lagu hormariyo ayaa iyana la ogeyn meel ay ka baxdey isla markaana aan lagu soo celin Khasnadda Dowlada sidaa darteed Makamadda Sare uu ka jiro Musuqmaasug waayo lacagaha laga qaado degmooyinka xagee ka baxeen

” Garsoorkii dalka waxaa uu noqdey SUPERMARKET ay shaqsiyaad ku shaqeystaan sidaa darteed Maxdaxweyne haddii aan dadkii meeshii ay garsoorka u soo doonan lahaayeen uu ka jiro musuq dadka xagee garsoor u doonanayaan” sidaa waxaa yiri Garsoore Mukhtaar oo intaa raaciyey

” Waxaa la yaab leh in Nin ay ilma adeer yihiin Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo lagu magacaabo Jaamac Cali Ismaaciil oo ku dhacay imtixaankii Garsoorka ayaa waxaa dhacday in Gudoomiyaha Maxkamadda markii uu Madaxweynaha uu ka soo ansaxinayey garsoorayaashaas in uu ku darsadey ninkii ay ilmo adeerka ahaayeen marka waxaas wax ka badan ayaa garsoorka dalka ka jira” ayuu hadalkiisii ku soo gababeeyey Garsoore Mukhtaar.

Xigasho: Dalsan TV

Hadalsame Media