Turkiga oo sheegay in lasoo dhamaystiray wada hadal uu la galay 92 dal (Somalia oo …)

0

(Ankara) 15 Agoosto 2020 – Turkey ayaa sheegay inuu dhamaystiray wada xaajood uu kula jiro 92 dal oo ay ka wada hadleen soo celinta duullimaadyada caalamiga ah, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga.

Si kastaba, Turkey ayaa 13-kii bishan ilaa hadda duullimaadyo ka sameeya ilaa 48-dal, kuwaasoo iskugu jira duullimaadyo caadi ah iyo kuwo si gaar ah loo sii muddeeyo, sida uu sheegay Adil Karaismailoğlu.

Waxaa dalalka uu duullimaadyadaa hadda ka wado ee 48-ka ihi ay kala yihiin: Albania, Algeria, Austria, Azerbaijan, Bangladesh, Belarus, Belgium, Benin, Bosnia-Herzegovina, Bulgaria, Canada, China, Croatia, Denmark, Egypt, France, Djibouti, Germany, Greece, Hong Kong, Indonesia, Ireland, Israel, Italy, Ivory Coast, Jordan, Kosovo, Kuwait, Lebanon, Libya, Luxembourg, Mauritania, Moldova, Morocco, North Macedonia, Poland, Qatar, Russia, Senegal, Serbia, Somalia, Sweden, Switzerland, Netherlands, U.K., Maraykanka, Woqooyiga Qubrus (TRNC) iyo Ukraine.

Duullimaadyadii Kazakhstan, oo dib u bilowday Juun 20 ayaa markale la hajiyey Luulyo 4 kaddib markii uu soo laba kacleeyey fayruska Covid-19, balse waxay soo laaban doonaan Sebt. 1, sida uu Wasiirku caddeeyey.

Turkiga oo sheegay inuu dib u bilaabay duullimaadyadii maxalliga ahaa isagoo raacaya faya-dhowr heer sare ah ayaa waxaa kiisaska COVID-19 ka marayaan 245,635, kuwaasoo ay 228,057 soo kabteen halka 5,912 ay u dhinteen.

Hadalsame Media