Baarlamanka oo sacab ula istaagey MW Farmaajo & sababta dhabta ah ee ka dambaysa

0

(Muqdisho) 15 Agoosto 2020 – MW Farmaajo ayaa maanta khudbad kooban ka jeediyey Golaha Shacabka kahor intii aanu u dhoofin magaalada Dhuusamareeb oo uu kula kulmi doono madaxda maamullada, kaddib cadaadis ka yimid beesha caalamka.

MW Farmaajo ayaa khudbadda uu jeediyey waxay u fasirmaysaa inuu wax kasta oo Dhuusamareeb looga heshiiyo uu ku muddayn doono Baarlamanka oo isagoo dantiisa ka eeganaya wax ka dhihi doona.

Yeelkeede, hal arrin ayaa mudan in la dul istaago. Baarlamanka ayaa markii ugu horreeysey sacab ula istaagey (standing ovation) Madaxwaynaha iyagoo tiradii ugu badnayd uga soo qayb galay kulankii maanta, jeer ay sacab, foori iyo xitaa firimbi kala hor tageen 6-dii Juun oo uu sidan oo kale u hor tegey.

HADABA MAXAA IS BEDELEY? MUXUUSE SALKA KU HAYAA JACAYLKAN DHOWAAN-GALKA IHI?

Labada dhinac ayaa la fahamsan yahay in aanu mabda’ isku xiraynin, balse ay hal jiho dantooda ka arkayaan; muddo kororsi.

Xildhibaannada ayaa u guuxaya ra’yiga ah in 2 sanadood loo kordhiyo muddo-xileedkooda fiid-cowlka jooga ee sii dhamaanaya, taasoo ay Madaxtooyaduna doonayso, waana sababta ugu wayn oo ay iskugu raaceen ridistii RW hore oo ay u arkayeen halis ka hortaagnayd gaarista hamiggaasi.

Inay dani isu keenayso balse aanu mabda’ jirinna waxaa laga garan karaa xildhibaanno laba gacmood taagey markii la ridayey Xukuumadda oo misna MW Farmaajo ku eedeeyey ama weli eedanaya.

Ha yeeshee, weli waxba kalama cadda oo MW Farmaajo maanta afkiisa waa ka ilaaliyey wax muddo kororsi ah, waloow uu ciyaarayo xeelad ku aaddan in waqtiga lagu dhumiyo go’aannada is diidaya ee shirka maamullada iyo xildhibaannada oo iyagu markasta wax ka eegi doona dhanka dantooda gaarka ah, taasoo si kastaba sii dili doonta sumcadda labada dhinac.

MAXAA HABBOON? Sida ugu wanaagsani waa in la qaado jid heshiis lagu wada yahay, xitaa haddii muddo kordhin la doonayana waa in laga iibiyaa dhamaan dhinacyada ay taladu ka go’do oo dhan.

Balse in Baarlaman la ogyahay inuu wax kasta ka eegi doono dantiisa gaarka ah lagu saan tirto oo tiiyoo aysan hal maalinna dan shacab ka fikirin ”shacabka ayaad mas’uul ka tihiin” lagu af gobaadsado waxay sii ragaadinaysaa arrinta, loomana baahna in dalku galo xasarad siyaasadeed, isagoo haddaba ku jira mid dastuuri ah.

Tifaftirka

Hadalsame Media