MW Farmaajo oo berri qaadi kara 3 tillaabo oo uu dib ugu dhisi KALSOONIDA shacabka & mid uu kusii aasi karo

0

(Muqdisho) 14 Agoosto 2020 – MW Farmaajo ayaa la hadal hayaa inuu berri khudbad ka jeediyo kulanka Baarlamanka, iyadoo durba tafaasiir kala duwan oo ay ka mid tahay inay tani tahay xeelad lagu baajinayo Shirka Dhuusamareeb ay soo baxayaan.

Yeelkeede, MW Farmaajo oo ay shacbiyaddiisu hoos u yara dhacday tan iyo markii ay soo bexeen wararka sheegaya muddo kororsiga oo ay xigtey taageeradii uu u muujiyey ridistii RW hore oo sharci darro lagu tilmaamay, waxaa berri u furan laba arrimood oo uu isku dhaqi karo.

1 – Inuu ku baaqo inay doorashadu waqtigeedii ku qabsoomayso isla markaana uu la xaajoonayo maamullada iyo mucaaradka si loo meel dhigo nooca doorashada, isagoo xilka u dhaafaya xukuumadda xil-gaarsiinta ah, si looga baaqsado waqti kale oo ku luma RW cusub.

2 – Inuu ku baaqo in la aado Shirka Dhuusamareeb kaddibna lagu shaqeeyo wax kasta oo la isku raaco iyada oo la eegayo danta dalka iyo dadka.

3 – Qodobkani waa midka ugu mustaxiilsan, balse wuxuu keeni karaa xal deg deg ah, waana in uu is casilo MW isaga oo ku baaqaya doorasho deg deg ah, qodobkani waa suurtagalnimada ugu fog maadaama aanu waqti badani kaba harin waqtiga doorashada.

Haddii uu sidaa yeelo, waxaa markale dib u dhismi karta kalsoonidii lagu qabey Madaxwaynaha, balse wixii intan ka baxsan sida muddo kororsi iyo hal dhinac oo kaligii wax jiita, si ka duwan qaabkii wax lagu soo wadey doorashooyinkii hore, waxay abuuri karaan xasarad siyaasadeed oo laga fursan karo isla markaana aan loo baahayn.

Tifaftirka

Hadalsame Media