”Ma aqbalayno inuu hal dhinac go’aan gaaro!” – Beesha Caalamka oo soo saartay War Saxaafadeed canaan ah & dalal la saftay DF

0

(Muqdisho) 14 Agoosto 2020 – Beesha Caalamka (arag liiska hoose)* ayaa war rasmi ah kasoo saartay xaaladda uu dalku marayo waxayna sheegeen inay dhararayaan in sidii loo qorsheeyey loo qabto Shirka Dhuusamareeb 3 oo ku muddaysnaa 15-ka Agoosto oo berri ku beegan, waloow ay taasi haatan mustaxiil u muuqato.

”Si loo joogteeyo kalsoonidii dhowaan ka dhex abuurantay DF iyo maamullada waa asaasi in Somalia lagu wado wadiiqo siyaasadeed oo xasilloon,” ayaa lagu yiri qoraalkan wada jirka ah.

Waxay sheegeen in haddii uu hal hoggaamiye ka qayb geli waayo kulanka ay taasi tirayso kalsoonida booca ku taagan, ay wiiqayso xeer jajabkii la dhisayey isla markaana ay cawarayso in go’aan wada jir ah la gaaro.

”Jeer ay 3 bilood uun ka harsan tahay doorashada Nofeembar, 4 biloodna ay ka harsan tahay dhamaadka Baarlamanka 10-aad, saamileeyda Soomaalidu waxay dhaqse ugu baahan yihiin inay isku raacaan nooca doorashada, iyada oo aan waxba dib loo dhigin,” ayay soo jeediyeen.

”Waxaannu ka walaacsan nahay in qaar ka mid ah Maamulladu aysan weli soo dirsanin wakiilladii ku meteli lahaa guddiga, waxaana ku boorrinaynaa inay soo dirsadaan oo la xaalaan hoggaanka DF Somalia,” ayay daba dhigeen.

Beesha caalamka ayaa sheegtay inay markale hoosta ka xarriiqayaan in moodal kasta oo uu hal dhinac yeeriyo, ama ay qayb ka mid ah, iyada oo aan la isku wada raacsanayn, aysan wax sharciyad ah heli doonin isla markaana aan la hirgelin kari doonin.

”Maadaama uu sii dhamaanayo waqti xileedka Baarlamanka 10-aad waa inay wax isku raacaan saamileeyda oo dhan sida DF, Maamullada, labada Aqal iyo Axsaabta siyaasiga ah, waana inuusan hal dhinac, xitaa Baarlamanku, uusan kaligii go’aan iska qaadan.” ayay hoosta ka xarriiqeen iyagoo sheegay inay si buuxda u taageerayaan Shirka Dhuusamareeb 3.

Waxaa xusid mudan inay dalalkan ka maqan yihiin dalalka Turkiga, Qadar, Jabuuti oo xiriir wanaagsan la leh DF iyo xitaa Imaaraadka, waloow uusan isagu xiriir fiican la lahayn DF.

*Dhinacyada soo saaray: Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM), Belgium, Denmark, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, UK, Maraykanka iyo QM.

Hadalsame Media