”MW Farmaajo maanta ayuu tegayaa Dhuusamareeb” – Madaxtooyada oo war soo saartay & waxa is bedeley

0

(Muqdisho) 15 Agoosto 2020 – MW DF Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta, sida ay u badan tahay gelinka dambe, u ambaboxo magaalada Dhuusamareeb si uu uga qayb galo shirka oo farsamo ahaan hora loogu wadey inuu maanta furmo.

War kasoo baxay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay in sidaa loo yeelayo xoojinta iskaashi dhex mara DF Somalia iyo maamullada dalka.

”MW Farmaajo wuxuu berritoole u safri doonaa Dhuusamareeb si uu uga qayb galo wareegga 2-aad ee Madasha Wada Tashiga DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada.” ayaa lagu yiri qoraal xilli dambe kasoo baxay Madaxtooyada Qaranka.

Marka la eego xilliga daahsan ee uu warkani soo baxay iyo qoraalkii canaanta iyo digniinta ahaa ee xalay kasoo baxay Beesha Caalamka, waxaa muuqata inuu jiro cadaadis ballaaran iyadoo la fahamsanaa inaysan XF markii hore u diyaarsanayn ka qaybgalka Shirka Dhuusamareeb.

Hadalsame Media