”Kulligiin waxaad agteenna ka tihiin MIDGO!” – Sheeko cibro ah arday Soomaali ah ku qabsatay Jarmalka

0

(Hadalsame) 13 Agoosto 2020 – Todobaatanaadkii ayaa afar dhallinyaro Soomaali ah waxbarasho loogu diray Jarmalka. Waxaa jaamacadda la dhiganayey arday badan oo qalaad oo ay ka mid ahayd gabar Jarmal ah oo la yiraahdo Andrea.

Dhawr bilood ka dib ayaa laga war helay in Andrea ay sheeko hoose wada lahaayeen wiil ka mid ah dhalinayaradii Soomaaliyeed oo ay hadda rabaan yihiin in ay is mehersadaan.

Saddexdii kale ayaa aad uga xumaaday warkaas. Dhaqanjab foolxun inuu meeshaa ka dhacay ayey is tuseen oo aan loo dulqaadan karin.

Xanuunkoodu ma ahayn in wiil Soomaaliyeed naag qalaad guursaday ee waxaa nabar ku noqotay in wiilka oo Midgaan ahaa uu guursado gabar Jarmal ah, oo gob ah, oo Andrea ah, oo midabkeeda iyo timaheeda lala ashqaraarayo. Waxay ku tashadeen in aanay dhaqanjabkaas sina uga aamusin.

Dhawr goor ayey u tageen Andrea laakiin meel ay hadalka ka bilaabaan ayey garan waayeen, “Andrea, een…, Arrin baa jirtee aan mar wada hadalno!”

Markay dhawr goor ku yiraahdeen iyaduna ka yaabban tahay waxa wiilashu qarinayaan ayey maalin dambe u caddeyeen warkii “Walaal Andrea, ninkan aad la socoto waa Midgaan!” “Oo waa maxay Midgaan?” “Een… Yacni… Muxuu ahaayeey…Waa… Waa…”

Waxay ka fahamtay uun inay leeyihiin ninku waa nin dadka kale ka hooseeya oo liita oo aan la guursan.

Waxay ugu jawaabtay: “Dhegeysta… Annaga haddaan Jarmal nahay kulligiin waxaad noo tihiin Midgahaas aad sheegaysaan, laakiin anigu waxaan idinka xushay kii iidinku caqliga, akhlaaqda iyo quruxda badnaa.”

Wiilashii waxaa u caddaatay inay iyaguba ahaayeen Midgo laakiin foolxumada iyo caqli xumadu meesha dhigtay.

* Magaca Andrea anaa ula baxay laakiin sheekadu maqal ayey igu soo gaartay

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media