DEG DEG: Imaaraadka & Israel oo xiriir rasmi ah oo diblomaasiyadeed yeelanaya

0

(Washington, DC) 13 Agoosto 2020 – Israel iyo Imaaraadka ayaa la sheegay inay gaareen wax lagu sheegay heshiis taariikhi ah oo ay ku samaysanayaan xiriir caadi ah, kaasoo uu ka shaqeeyey MW Maraykanka ee Donald Trump.

Qodobada heshiiska, waxay Israel ogolaatay inay hakiso inay goosato meelo ka tirsan Daanta Galbeed ee Falastiin sidii ay beryahanba sheegaysey, waloow ay u muuqato arrin loo sameeynayey in heshiiskan oo sii qorshaysnaa lagu sonkoreeyo.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay muddo u soconayeen wada xaajoodyo qoto dheer oo u dhexeeyey Maraykanka, Israel iyo Imaaraadka, kuwaasoo aad u xoogaystey dhowaan, sida uu sarkaal ka tirsan Aqalka Cadi u sheegay Reuters.

Heshiiska ayaa yimi kaddib markii ay telefoonka ku wada hadleen MW Trump, RW Benjamin Netanyahu iyo dhaxal-sugaha Abuu Dabeey ee Sheikh Mohammed Bin Zayed.

Imaaraadku wuxuu sidaa ku noqonayaa dalkii 3-aad ee Carbeed ee xiriir rasmi ah la samaysta Israel, iyadoo ay xigayso inay Safaarado u kala dirsadaan Abuu Dabeey iyo Tel Aviv.

Hadalsame Media