”Muddo kororsi ma ogolin!” – Maraykanka oo si rasmi uga digey in la fashiliyo Shirka Dhuusameeb 3

0

(Muqdisho) 13 Agoosto 20202 – Xilli ay maalin uun ka harsan tahay isla markaana aanay muuqan saan saan ku saabsan inuu sidiisaba qabsoomayo ayaa waxaa war soo saartay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Maraykanka ayaa muujiyey sida ay asaasi u tahay in xal loo dhan yahay laga gaaro arrimaha murugsan ee ku hareereeysan Doorashada 2021-ka.

”Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay dhararaysaa natiijada shirka Dhuusamareeb 3. Baahida loo qabo xeer jajab dhab ah iyo wada tashi sal ballaaran waa muhim,” ayaa uu u dhigan yahay war rasmi ah oo kasoo baxay Maraykanka.

”Nooca doorasho ee la qaadanayaa waxay u baahan tahay taageerada DF Somalia, Maamullada, Baarlamanka iyo saamileeyda kale. Waa in doorashadu waqtigeeda ku dhacdaa oo aan waxba lagu darin.” ayaa la daba dhigay.

Guulaysiga shirka oo rajo badan laga muujiyey markii ay DF Somalia ka qayb gashay shirkii Dhuusamareeb 2, ayay wax kasta is bedeleen markii si deg deg ah loo tuuray RW hore.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments