Israa’iil & dadka dhexe ee Xisbiga Dimoqraadiga oo ku DADAALAYEY inaysan soo laaban Ilhaan Cumar (Ogoow sababta)

0

(Hadalsame) 13 Agoosto 2020 – Talaadadii, gobolka Minnesota waxaa laga qabtay doorashada hordhaca ah ee xisbiga dimoqoraaddiga, taa soo la xulanayo qofka xisbiga ku metalaya Aqalka Sanet-ka doorashada foodda Maraykanka ku soo haysa ee sanadkaan.

Ilhaan Cumar, oo ah haweenay madow oo Muslim ah isla markaana ah haweeney Soomaali Mareykan ah, ayaa wajahday tartanka is reereebka oo ay la gashay Antone Melton-Meaux, oo isna kula tartamayey degmada Shanaad ee gobolka Minnesota (MN-05).

Iyadoo la micno ahayd in hadddii guul uu ka gaaro xisbiga dimoqraadiga ah ee Biden, MN-05, in Guul laga gaaro horudhaceedii tahay guusha doorashada Madaxwayninimo ee bisha Nofeembar.

Laakiin dagaalka u dhexeeyey Ilhaan Cumar iyo Melton-Meaux, ma ahayn oo keliya halgan u dhexeeyey laba qof oo dimuqraaddi ah oo u tartamayay kursi yaalla aqalka Kongarayska.

Taa biddaalkeeda, wuxuu hardanku salka ku hayey sida loo qaabeeynayo siyaasadda Dimoqraadigu uu marka dambe ku wajahayo Israel gaar ahaan qolyaha Midigta Fog oo ay haatan si wanaagsan isula hayaa Jamhuuriga.

Yeelkeede, waxaa kala jirta Israel iyo Yuhuud oo kala laba ah mararka qaar, iyadoo ay tusaale ahaan Yuhuudda isbedel doonka ah ee bidixda ahi ay Ilhaan taageereen.

Tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay 2018,  waxay Ilhaan waddey dedaal iyo dagaal kala go’ lahayn, sida baahiyaha aan kala go’a lahayn ee haysta dadka ay metasho, khaas ahaan qaamaha ardayda, dadka hoy la’aanta ah, sinnaan la’aanta iyo dhanka shaqo yaridaba.

Tan labaad waxa ay ahayd arrinta xaquuqda bani’aaddanimada, si joogta ah waxa ay u dhiirrigelin jirtay in lala xisaabtamo Israel iyo Sucuudiga oo layn axmaqnimo ah ku hayey dadka Falastiiniyiinta ah iyo kuwa Yaman. Waxay si wayn u dhaleeceynaysay kaalmada ciidan ee uu Mareykanku siiyo Israel.

Muddadii ay Koongarayska ku jirtey waxay hindistey 48 sharci oo cusub, halka ay wax ka waddey 548 kale oo Aqalka la hor keenay.

Andrea Jenkins, Guddoomiye ku Xigeenka Golaha Magaalada Minneapolis, waxay ku sifeysay Ilhaan, inay leedahay “geesinimo ay ku qaadato go’aankeeda, si kasta oo loo khalkhal geliyo.

Si kastaba ha noqotee, Cumar waxay la kulantay eedeymo joogto ah oo ku saabsan isku dayga ah inay raadiso baahiyaadka deegaankeeda.

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyey: Ismaaciil Fanax & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media