Sabab aysan DF Somalia u doonayn inay gebi ahaanba Jaadka jiijiso oo la ogaadey (Cillad jirta)

0

(Muqdisho) 13 Agoosto 2020 – Xilli ay Somalia dib u furtay duullimaadyada caalamiga ah ayaa waxaan weli la fasixin Jaadka oo loo xirey cudurka COVID-19 dartii.

Sida wararka lagu helayo, Wasaaradda Maaliyadda DF Somalia iyo kuwa maamullada ayaa isku raacay in la kordhiyo canshuurta la saaro kiiladii Jaad ah oo hadda ah $2.5 kiiladii iyadoo la gaarsiinayo $4.

Tani waxay muujinaysaa inay DF Somalia ay ku tala jirto inay mustaqbalka dhow dib u fasaxdo Jaadkii iman jirey dalka, waloow uu weli xanniban yahay.

Waxay taasi ka hor imanaysaa olole ay dadka Jaadka diidani ku doonayaan in gebi ahaanba la joojiyo Jaadka yimaada Somalia oo ay maalintii Somalia ku waydo 100 milyan oo Shilinka Kenya ah.

Yeelkeede, marka la eego Miisaanadda Qaranka ee sanadkan 2020, waxay DF Somalaia Jaadka oo qura ka heshaa dakhli dhan $14 milyan oo doollar oo canshuur ah.

Canshuurta la kordhinayo ayaa markasta fuulaysa jeebka dadka Soomaaliyeed, taasoo ka dhigan inay DF culayskii dhaqaale uun dadka maxalliga ah kusii kordhinayso, waayo haddii ay xitaa canshuurta marka hore bixiyaan ganacsatada Kenya, waxay taa ku dallacayaan dadka marka dambe ka iibsanaya Jaadka.

Hadalsame Media