THOMAS SANKARA: Muxuu muteystay inuu noqdo MADAXWAYNIHII ugu gobsanaa dalalka la gumeystay?!

0

(Hadalsame) 09 Agoosto 2020 – Waxaan hoos ku xusi doonaa 20 kamida waxqabadkiisi horumarka u horseeday dalka Burkina- Faso inti uu talada hayay (August 4, 1983 – October 15, 1987).

1. Waxa uu addeeg caafimaad lacag la’aan ah oo isugu jira baaritaan iyo daaweyn gaarsiiyay ku dhowaad 3milyan oo dad ah, waxa uu lacag la’aan ka dhigay tallaalka 6-da cudur ee dillaaga ah.

2. Dowladiisa waxa ay dagaal ba’an la gashay jahliga, waxa uuna kobac muuqda ka sameeyay waxbarashada. Marki uu talada qabanayay heerka aqoonta waxa uu ahaa 13%. 1987 oo shirqool lagu dilayna heerka aqoonta iyo mutacalimiinta ee Burkina Faso waxa uu gaaray 73%.

3. Iyadoo aysan dunida ku fowjigneyn faaidada & Dhowrista dhirta ayuu Thomas Sankara waxa uu dhulkiisa ku beeray 10milyan oo geed nafci u leh cimilada & shacabka.

4. Waxa uu hirgaliyay mashaariic beero. saddex sanno gudahood mashruuci qamadiga waxa uu ka kacay 1,700kiilo halki hiktarba waxa uuna gaaray 38,000kg per hecter; waxaana lagu tilmaamay isku filaansho wax soo saar.

5. Xafiiyada addeega bulshada iyo taliska Ciidamada waxa uu wada magacaabay dumar; waxa uuna sheegay in dumarku ragga ay ka howlkarsan yihiin kana daacadsan yihiin.

6. Waxa uu Digreeto Madaxweyne ku mamnuucay Gudniinka Fircooniga. Waxa uu Golaha Wakiilada horgeeyay hindise-sharciyeed guurka qasabka ah loogu aqoonsanayo dembi dadweyne.

7. Waxa uu seylada geeyay gebi ahaan gawaarida qaaliga ah ee ay wateen masuuliyiinta dowlada; waxa uuna u qeybiyay Renault 5 (Gaarigi xiligaas ugu raqiisanaa) ujeedkiisuna waxa uu ahaa in dowladu aysan u muuqanin mid dadkeeda ka sareysa.

8. Isaga oo aan kaalmo ama taakuleyn dhaqaale ka helin dowladaha Galbeedka & Bariga ayuu dalkiisa ka dhisay jidad waaweyn oo magaalooyinka isku-xira iyo qadad tareen dalka ukala goosha.

9. Waxa uu kobciyay mushaarka Shaqaalaha Rayidka, waxa uu hoos u dhigay mushaarka masuuliyiinta dowlada; Golihiisa Wasiirada waxa uu ku kalifay inay gawaarida gacantooda ku kaxeystaan isla markaana aysan raacin duulimaadka dabaqada-sarre (First Class Flight) si qarashka tamashleyn ku bixi lahaa loogu kaabo dadka danyarta ah.

10. Waxa uu mamnuucay mucaawino ama gargaar shisheeye waxa uuna noqday dalka ugu horeeyay uguna dambeeyay Africa ee ku dhaqma falsafadi ahayd KAN KU QUUDIYA AYAA KUU TALIYA (Who feeds you, controls you).

11. Midowga Africa waxa uu ugu baaqay inay ka baaqsadaan Deymaha Dowladaha Reer Galbeed oo uu ku sheegay in deyntu tahay Gumeysi Dadban.

12. Ka shaqeynta Bilicda Caasimada Burkina Faso, Ouagadougou waxa uu u xilsaaray Ciidamada waxa aynna waqti kooban ku noqotay magaaladi Africa ugu horeysay ee yeelata goob baaxad weyn oo laga dukaameysto (Supermarket).

13. Waxa uu dhaqan galiyay xeer ay Shaqaalaha Rayidka hal bil oo kaliya mushaarkooda uga tanaasulayaan si loogu kaabo Addeegyada Baahiyaha Asaasiga ah ee bilaash lagu siiyo bulshada.

14. Xafiiskiisa madaxtooyada waxa uu ka bixiyay qaboojiyaha (air conditioning) iyo gebi ahaan agabka lagu istareexo; waxa uuna yiri “hadii hal ruux oo dadkeyga kamida uu meel kulul seexanayo aniga inaan qaboow kujiro dan iigu jirto.

15. Ka Madaxweyne, waxa uu mushaarkiisa u qoondeeyay $450 bil kasta. Agabka uu isticmaalayana waxa uu kusoo koobay 4baaskiil, 3gitaar muusikada, sariir nafar ah, iyo hal talaajo.

16. Dadka magaca iyo maalka leh iyo masuuliyiinta waxa uu ugu baaqay inay ilaalo u kaxeystaan mootada.

17. Saraakiisha Dowlada waxa uu ku qasbay inay xirtaan lebiska Hidde&Dhaqanka kuwaaso laga sameeyo suufka dalka gudihiisa ka baxa laguna farsameeyo isla dalka gudihiisa.

18. Waxa uu si adag uga soo horjeestay dhaqan duug ahna ku tilmaamay in sawiradiisa lagu xardho jidadka waaweyn. Waxaa laga soo xigtay inuu yiri ” ammaan ii gaar ah majirto 7-da milyan ee shacabka Burkina Faso ee aan matalo ayaa amaan iyo bogaadin iga mudan”.

19. Waxa aysan dad badani ogeyn in Thomas Sankara uu ahaa xirfadle dhanka muusiga waxa uu ahaa shaqsigi alifay Muusigada Astaanta Qaranka Burkina Faso. Waxa uuna laxameeyay heeso badan oo lagu dhiiri-gelinaayo dalalka Afrikaanka.

20. Sankara saacadihi noloshiisa ugu dambeysay waxa uu dil ka badbaadiyay ilaaladiisa. Askari ka tirsan ciidanka ayaa rasaas ku furay goob uu ku sugnaa MadaxweyneThomas Sankara, waxaa isku hareeray ilaaladiisa waxa uuna yiri oraahdi noloshiisa ugu dambeysay “ka leexda, aniga ayuu doonayaa inuu i dilo ee ka leexda, nafahiina badbaadiya waayo waxa ay waxtar u leeyihiin dadka & dalka Burkina Faso”.

Thomas Sankara xukunkiisa waxa uu ku koobnaa 4sano, 4bilood & 11maalmood waxa uu ku geeriyooday da’da 37jir.

F.G: maadaama, qoraalku igu dheeraaday qormo kale ayaan kusoo qaadan doonaa:- Qaabka uu u dhacay Shirqoolki lagu khaarajiyay Madaxweyne Thomas Sankara & Cida soo maleegtay.

Waxaa Diyaariyey: Liibaan Cabdi

Hadalsame Media