”Ma booliiskii ayaa laga maarmay?!” – Puntland oo Ilaalada Madaxtooyada u adeegsata howlgallo aysan shaqo ku lahayn (Arag shin-tiriskan)

0

(Hadalsame) 09 Agoosto 2020 – Booliska Puntland miyaa laga maarmay, Maxaa Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada horey loo geeyaa?

3-dii Madaxweyne ee isku xigay Puntland kalana ahaa Cabdiraxman Faroole, Cabdiweli Gas & Siciid Deni, waxay ka siman yihiin in howlgallada loo diro ciidamada Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada, marar badan ayaa su’aal laga keenaa ujeedada ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo ah kuwa u dambeeya loogu diro howlgalo ay qaban karaan Booliska iyo Daraawiish lagu xoojiyey.

Sadex dhacdo oo aan goobjoog u aheyn, geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur aan dib u eegno, ayna fuliyeen ciidamada katirsana Ilaalada Madaxtooyada Puntland.

1- QARDHO: 14 July 2013, Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa u galbiyey magaalada Qardho ee gobalka Karkaar Sanaadiiqda cod-bixinta doorashada oo lagu muransanaa, iska horimad ayaa ka dhashay, dad kasoo horjeeda doorashada iyo ciidanka ayaana rasaas is dhaafsaday, waxay sababtay dhimashada Sarkaal sare oo katirsana ciidanka Madaxtooyada Puntland (Mudo Xileedkii Cabdiraxmaan Faroole)

2 – BOOSAASO: 01 Feb 2016, Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa duhurnimo weerar ku qaaday guri uu daganaa Gudoomiyihii hore ee gobalka Barri Cabdisamad Galan-ka hadda ah wasiirka Amniga ee Puntland, oo lagu eedeynayay in uu abaabulayay kulamo ka dhan ah Xukuumadda, Howlgalkas waxa ka dhashay dhimasho & Dhaawac, waxaana hogaamiyey Taliyihii ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee xiligas (Mudo xileedkii Cabdiweli Gaas).

3 – GAALKACYO: 09, Aug, 2020- Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa aroornimadii hore ee saaka qaaday howlgal lagula dagaalamayay kooxo haystay Xerada Kabidda, waxaana howlgalkas ku dhintay Taliyihii ciidanka Madaxtooyada. (Mudo-Xileedka Siciid Deni)

Is-weydiimaha ka dhalanaya in ciidanka Madaxtooyada loogu hor-diro goobaha howlgalada ayaa sii kordhaya, Ma shaqadooda ayaa ah mise Booliska Puntland ayaan ku fileynin wax ka qabashada shaqadooda? Waa maxay aragtidada?

Waxaa Diyaariyey: Faarax Cabdulqaadir Maxamed

Hadalsame Media