Fayrus kale oo laayaan ah oo kasoo baxay Shiinaha & dad u dhintay (Maxaa sababa?)

0

(Jiangsu) 09 Agoosto 2020 – Xilli ay dunidu qadyaan ka taagan yihiin cudurka Covid-19, waxaa isla Shiinaha kasoo baxay fayrus ka dhasha qaniinyada shilinta, muqlaha iwm, sida ay sheegayaan dhakhaatiirta dalkaasi.

Fayruskan ayaa marka laga soo tago qaniinyada shilinta, wuxuu sidoo kale iskaga gudbi karaa dadka caadiga ah, oo qofkii qaada wuxuu u gudbin karaa qof kale.

Fayruskan oo la yiraahdo SFTS ayaa durba ku dhacay 60 qofood oo ku dhaqan gobollada bariga ku yaalla ee Jiangsu iyo Anhui, waxaana u dhintay 7 qofood ilaa haatan.

Astaamaha cudurkan dilaaga ah ayaa waxaa ka mid ah qandho, daal, lallabo ama yalaalugo, matag iyo sidoo kale unugyada dhiigga cad oo yaraada.

SFTS ayaan cusbayn, maadaama kiiskii ugu horreeyey laga helay qaybo ka mid ah gobollada Hubei iyo Henan sanaddii 2009-kii, halka ay culumada fayrusku ay hidde-sidkiisa ogaadeen 2011-kii, balse haatan ayuu soo rogaal celiyey.

Hadalsame Media