”Nooma aha xulufo dhow!” – Maraykanka oo joojinaya inuu daroonnada casriga ah ka iibiyo Sucuudiga & Imaaraadka + Sawirro

0

(Washington, DC) 08 Agoosto 2020 – Senetarro ka kooban labada xisbi ee Maraykanka ugu waawayn ayaa waxay keeneen hindise sharciyeed cusub ay ku doonayaan inay ku baajiyaan in daroonnada Maraykanka laga iibiyo dalal lagu sheegay inaysan xulufo dhow la ahayn Washington, iyagoo gaar ahaan u xusay Sucuudiga.

Sharcigan ayaa ka jawaabaya go’aan uu dhowaan gaarey MW Trump kaasoo uu ku dhinac maray xeerka Missile Technology Control Regime (MTCR) isagoo daroonno badan ka iibiyey ciidan shisheeye, sida la yiri.

Dalalka iibsan kara daroonnada hormarsan ee Maraykanka ayaa waxaa ugu horreeya Imaaraadka iyo Sucuudiga oo hubkaa ku xasuuqay dadka reer Yaman.

Sidaa darteed, xildhibaannadda Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa dhaleeceeyey go’aanka Trump, iyagoo sheegay inay arrintani dibedda u bixin karto tiknolojoyadda gantaalaha, isla markaana ay dalalka kale ku dhiirrin karto inay ka baxaan heshiisyada dhanka xakamaynta hubka.

“Haddii aannu tan Trump ka ogolaanno waxay keenaysaa inay dalalka kale ku dhiirradaan inay tiknolojiyadda gantaalaha iyo daroonnada casriga ah cadowgeenna ka iibiyaan,” ayuu yiri Senatar Chris Murphy, oo sharcigan wax ka sameeyey.

Si hubkan looga hor istaago Riyaad iyo Abuu Dabeey waxaa hadda kaddib khasab noqon doonta in la raaco xeerka MTCR, iyadoo la xadidi doono in la iibiyo daroon kasta oo qaadi kara hub uu culayskiisu gaarayo 1,100 oo rodol isla markaana gaari kara masaafo dhan 186 mayl, sida RQ-4A Global Hawk, MQ-9 Reaper, AAI RQ-7A/B iwm.

Dalalkan lagu tilmaamayo inaysan olog dhow la ahayn Maraykanka ayaa inta badan muujiya inay saaxiib dhow la yihiin Maraykanka oo ay malaayiin doollar siiyaan.

A MQ-9 Reaper flies above Creech Air Force Base, Nev., during a local training mission June 9, 2009. The 42nd Attack Squadron at Creech AFB operates the MQ-9. (U.S. Air Force photo/Paul Ridgeway)
A team of 12th Aircraft Maintenance Unit Airmen walk beside an RQ-4 Global Hawk while it???s being towed during Red Flag Alaska 18-3, Aug. 16, 2018, at Eielson Air Force Base, Alaska. This marks the first time an RQ-4 has landed in Alaska during a simulated combat training exercise. (U.S. Air Force photo by Airman 1st Class Tristan D. Viglianco)
FILE PHOTO: U.S. Air Force officer passes in front of a MQ-9 Reaper drone, one of a squadron that has arrived to step up the fight against the Taliban, at the Kandahar air base, Afghanistan January 23, 2018. REUTERS/Omar Sobhani/File Photo

 

Hadalsame Media