SAWIRRO: Turkiga oo qalab ciidan u daabulaya dal Afrikaan ah oo ”saaxiib ah” (Somalia & Libya oo…)

0

(Ankara) 08 Luulyo 2020 – Katmerciler, oo farsamaysa agabka ciidamada ayaa gawaarida gaashaaman ee uu Turkigu sameeyo ee HIZIR, waxaa ay u daabushay dal Afrikaan ah oo aan magaciisa la sheegin.

Gawaaridan oo ka mid ah kuwa kala nooc ah oo uu dalkaasi sameeyo ayaa waxaa xarigga ka jaray MW Recep Tayyip Erdoğan sanaddii 2016-kii, iyadoo kaddib la bilaabay in tarab tarab loo farsameeyo.

Heshiiska dalkan Afrikaanka ah lagu siinayo HIZIR, oo ay  Katmerciler ku sheegtay kuwa ugu adag gaadiidka gaashaaman ee ay sameeyaan ayaa la saxiixay bishii Luulyo ee sanadkii hore, iyadoo ay heshiiska ka mid tahay in daabulitaanku dhamaado sanadkan.

HIZIR, oo sidoo kale la siiyey ciidamada Turkiga, gaar ahaan qayb loo naqshadeeyey amaanka xuduudaha, ayay tani noqonaysaa markii ugu horreeysey ee abid dibedda loo dhoofiyo, iyadoo la sheegay in la siiyey ”dal saaxiib ah.”

Lama oga lamana shaacin dalka Afrikaanka ah ee la siiyey, balse waxay Turkiga aad iskugu dhow yihiin Libya iyo Somalia oo uu Danjiraha Turkigu beri dhowayd sheegay inay u dhisayaan ciidan gaaraya 15-16,000 oo askari, waana dhici kartaa in qalabkan loo wado Somalia.

Hadalsame Media