”Ma gaal baa wax noo sheegaya?!” – ”Gaal kuu sheegi maayee garaadkaagu hakuu sheego inaadan KUFSI qabyaalad ku difaacin!!

0

(Hadalsame) 09 Agoosto 2020 – Maxay ahayd dooddaan maanta iyo caawa baraha bulshada ka oogan?

Waxaan arkay dad xiiqsan oo oranaya “waxaan gaalo ayaa wadata, annagu Islaam baa nahay, marka ay guursanaynno gaalo noo sheegimayso.” Iyo kuwa kale oo leh Baarlamaankii waxa uu oggolaaday in carruur yar yar la guursado, waa maalin madow, Allaah hayaay kacaay!”

Waxaan kale oo isha ku dhuftay Baarlaankii oo buuqaya kuna murmaya “galmo” iyo waxyaabo kale, dooddiisuma ma ahayn mid la fahmi karo iyo hadal baarlamaan ee fadhi ku dirir bay u ekayd, waana sababta aanan u sii daawan.

Hadda anigu waan yaabbanahay! Ma anigaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa? Baarlamaankaan iyo dadkaan labada kooxoox u kala jabay dalka ay ka hadlayaan ma Soomaaliyaa mise waa dal kale?

Baarlamaankaan xiiqsan ee ka doodaya xeerka guurka iyo kan kufsiga ama sida ay ayagu u dhigeen “XEERKA GALMADA!” Halkee bay ka shaqeeyaan xeerarka uu soo saaro? Yaa ku dhaqma yaase fuliya? Ayagu se ma ku dhaqmaan xeerar ay gacantooda ku qoraan? Horta waxa ay soo saaraan ma yihiin xeerar?

Ma u malaynaysaan in wiilka Afbarwaaqo (Mudug) jooga uu fahmayo haddii lagu yiraahdo da’daas ku ma guursan kartid ee marka aay da’daas gaartid ayaad gabar da’daas jirta guursan kartaa oo sidaas ayaa Baarlamaankii federaalka ee AMISOM Muqdisho ku waariyeysnaysay ayaa sidaas xeer la yiraahdo xeerka “galmada” ku meel mariyay?”

Dadka dhiiggu ku karayo, qolada leh in carruur la guursado ayaa la oggolaaday waxaan ku oranayaa sidaan: walaal horta ma ogtahay inta xeer haddaba buugaagta inoogu taal ee aan haddana cidi ku dhaqmin cidina dabbakhin? Ma iswaydiisay waxa uu soo kordhinayo hadal waraaqo lagu qoray oo aan cidna fulin doonin cidna ku dhaqmi doonaanin? Ma se ogtahay horta xeerarka guurku in ay yihiin kuwo kurubka Qur’aanka oo xagga Alle ka yimid? Ma se ogtahay sideedaba in uusan baarlamaan xalaalayn karin ama xaarraantimayn karin waqtiga qofku guursanayo? Waayo taasi ma ahan awood uu baarlamaan yeealan karo marka la joogo Soomaaliya?

Qolada kale ee leh “gaalo ayaa noo sheegaysa marka aan guursanaynno” waxaan ku leeyahay: walaal bisinka qabso oo Nabiga ku salli gaalo kuu ma sheegi karto marka aad guursanayso ee inta aadan gaalo gaarin horta adigu is nadiifi oo ku dhaqan xeerarka Alle kuu dajiyay iyo kuwa adigubaad dajisatay.

Jooji kufsiga dumarka gaar ahaan gabdhaha yar yar ee dhulkaaga ku baahay, jooji kufsadaha aad qabiilka ku difacaysid iyo kan aad lacagta ka bixinaysid.

Inta aad gaalo ku marmarisiyoonaysid ama aad waqti ku luminaysid maad ka hadashid oo ka hawlgashid dulmiga iyo dhaqanxumada dhexdaada ku baahday ee aad caadaysatay? Iswaydii meeqa gabdhood ayaa magaalada ama tuulada aad joogtid lagu kufsadaa sannad walba? Meeqa nin oo kufsi gaystay ayaad maqaayadaha ama jidadka ku aragtaa ayaga oo xarragoonaya?

Tan kale meeqa gabdo yar yar oo inta la guursaday oo ilmo laga dhalay ayaa inta la furay bannaanada ayaga iyo ilmohoodi dacdarro ku haysaa? Meeqa gabdhood baa nimankii qabay dilaan sannad walba ama dhibaatooyin halis ah gaarsiiyeen?

Meeqaa guryihii iyo reerkii ay sanooyin badan ku dhabarjabeen hal habeen laga saaray oo naag kale lagu aroosay ayaguna ayaga oo cayr ah guryihii waalidmood ku noqdeen? Intaas iyo inkale oo aan gefay ayaa habboon in aad ku mashquusho oo waqti iyo tabar ku bixiso intii aad ku xiiqi lahayd muranka nimanka baarlaamka sheeganaya ee aan fahamka iyo dareenka xambaarsanayn ee siyaasadda ka muufaysta marka ay muufada ka soo dhergaanna guriga baarlamaanka ku murma si ay muufada kale ee dabka u saaran caloosha ugu banneeyaan.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media