”Dullaysi noolama iman kartaan!” – MW Rwanda oo Shiinaha cashar u dhigay! + Sawirro

0

(Kigali) 06 Agoosto 2020 – Paul Kagame, MW Rwanda, ayaa amar ku bixiyey in dalkiisa dhaqse lagaga eryo 18 Chinese ah Arbacadii shalay ahayd.

Nimankan ayaa lagu eedeeyey inay ku tunteen sharciga iyo xuquuqda madaniyiinta dalkaasi kaddib markii ay Rwandese ah  ay saacado badan “ugu shaqaysteen sidii adoomo”, waxaana lagu war geliyey inaysan abid dalkaa ugu soo noqon karin.

‘‘Tani cashar ha idiin noqoto. Na xushmeeya waan idin xushmaynaynaa waana soo dhowaynaynaa qof kasta oo qalbi wanaagsan, balse dib dambe u aqbali mayno in qaaradeenna nalaku adoonsado!” ayuu yiri Paul Kagame oo caraysan.

“Afrika waa qaarad nabadeed mana u dulqaadan doono sinji quursi. Dalkan waxaa leh Afrika iyo qof kasta oo wanaag nala maagganna waa la soo dhowaynayaa.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media