Kacdoonkii guuldarraystay ee ”Guga Carbeed” maxay Tunisia keligeed ugu guulaysatay? (9 qodob oo loo sababeeyey)

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2020 – Kalhore Tuuniisiya wax ay gashay doorashadii afraad ilaa intii kacdoonku ka bilowday sannadkii 2011, waxaana si nabad iyo dimuqraaddi ah isu beddelay afar madaxweyne iyo afar baarlamaan.

Waxaa baarlamaanka ku wada jira xisbiyo iyo xildhibaanno aad u ka la aragti duwan, wadaad ilaa calmaani, iyada oo xisbiga u gu xubno badani yahay ka Ikhwaanka ee Annahda, guddoomiyaha baarlamaankuna yahay iyaga.

Marar muranku aad u adkaaday hoggaamiyaha Ikhwaanka ee Raashid Qanuushi wax uu muujiyay tanaasul iyo lexjeclo weyn oo ka duwan dhaqanka la gu bartay wadaadda siyaasadda ee Carabta.

Doorashadii u dambaysay ilaa maalin dhowayd oo la doonayay in guddoomiyaha baarlamaanka xilka la ga xayuubiyo dawlado dimuqraadiyadda la col ah oo Imaaraadku u gu horreeyaa lacag aad u badan bay qaybiyeen, laakiin waa ay ku fashilmeen.

Haddaba, waxaa aad la isu wayddiinayaa sababta ay reer Tuuniisiya keligood u gu guulaysteen kacdoonkii siyaasadeed ay iyagu Carabta u bilaabeen, halka ay dhammaan qolooyinkii kale ilaa imika guuldarro ka joogaan, xaalkooduna sidii hore ka sii daray?

Waliid CabdixayI oo ah macallin reer Urdun ah oo culuunta siyaasadda dhiga ayaa isaga oo wayddiinta ka jawaabaya maqaal uu ciwaan u ga dhigay “Waayo Tuunis?” qodobbadan cibraqaadashada leh ku soo ururiyay sababaha guusha reer Tuuniisiya:

1. Tuuniisiya juqraafi ahaan wax ay ku dhacdaa meel aan quwadaha shisheeye muhiim u ahayn oo aan la danayn.

2. Tuuniisiya ma laha wax khayraad ah oo la gu loollamo sida badrool, gaas ama macdan.

3. Tuuniisiya weligeed ma ay yeelan damac iyo aydoolojiyad ay faafiso sida Carabnimo, Islaamnimo, Hantiwadaag ama wax kale, taas oo dalal badani faraha ka ga gubteen. Weligeedna dagaal sokeeye ka ma dhicin, oo xitaa ma ay galin halgan gobannimo doon ee dawladnimada waa la siiyay.

4. Arrimahaa kore dartood reer Tuuniisiya wax ay ka badbaadeen faragalin shisheeye, wax ayna heleen xorriyad iyo xasiillooni gudaha ah oo ay si nabdoon u tadawuraan.

5. Heerka tacliinta, awoodda dabaqadda dhexe iyo tirada dadweynaha heerka faqriga ka baxsani wuu wanaagsan yahay, taasina wax ay ka caawinaysaa isbeddel dimuqraadiyadeed oo miyir leh.

6. Tuuniisiya waa dad intiisa badani dhaqan wadaag ah, oo tusaale ahaan qoomiyadda Amasiiqda ee Carabta tarraxdaa waa 2.5% keliya.

7. Tuuniisiya lacag badani ka ma gasho hubka iyo ciidanka, oo halka dawladaha dunidu celcelis ahaan ciidanka ku bixiyaan 2.6% dakhligooda, dalalka Carabtuna ku bixiyaan 5.5% Tuuniisiya wax ay ku bixisaa 2.2% keliya. Sidaa darteed millaterigu talada kaalin ku ma leh.

8. Xukunkii Xabiib Burqiiba ee gacanta kululaa taladana hayay 1957 ilaa 1987-kii wuu ka debecsanaa hoggaamiyayasha kale ee Carbeed, wax weyn buuna ka taray kobcinta dhaqanka, aqoonta iyo furfurnaanta bulsheed.

9. Tuuniisiya wax ay ahayd dalka Carbeed ee u gu yaraysta ku milanka murankii la la galay Israa’iil, sidaa darteed saamayntiisa xumi gudaha iyo debeddaba waa ay yarayd.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

 

Hadalsame Media