Arrin khiyaano ah oo ay GANACSATADA Soomaalidu ku kacaan oo laga dayriyey (Arag waxa khaldan)

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2020 – Tolow dhaqan aad u qaldanaa oo aan dalkii ku ogaa weli ganacsiga ma ku jiraa? Tusaale ahaan shan xabbo oo roodhi ah i ga iibi baad odhanaysaa, hoo baa la gu dhahayaa.

Shan midh oo muus ah i ga gad. Hoo. Xabbad xabxab ah i sii. Hoo. Kaasi wuu yar yahay ee mid ka weyn i sii. Wuu ka qaalisan yahay ee hoo… Waxaa la ka la iibsanayo miisaan ma leh, waxaana dhici karta xabbadda roodhida ahi in ay ta kale ka miisaan yar tahay, shan xabbana la qiimo yihiin shan kale oo iyaga labalaab ka miisaan culus.

Wax waliba waa sidaa, halkaana waxaa ku jira dhac iyo musuq qofka wax gadanaya loo geysanayo. Wax ay ahayd in miisaan wax la gu ka la gato.

Hilibka hudheellada la ga cunaa waa la mid oo laba qof oo laba wasladood dalbaday baa mid loo keenayaa laf iyo baruur ka kalena wax wanaagsan, waayo waslad uun baa la yidhi ee ma jiro halbeeg la gu garto wasladdaasi sida ay noqonayso. Taa waxaa ka daran baayactanka ama gorgortanka.

Halkii shayga la gu qori lahaa qiime go’an oo qof waliba ku gato ama ka ga tago labadii qof ee wax ka la gadanayay waxaa dhex maraya gorgortan muran iyo waqti lumis badan oo aan loo baahnayn.

Marar badan alaabta suuqa taal dadka isku qiime la ga ma siiyo ee waa qofba meesha la ga helo. Halkaa waxaa ku dhacma carruurta, dadka fahankoodu liito, qofka aan hadalka la isku celceliyo jeclayn iyo qofka soogalootiga ah ee aan sicirka war u hayn.

Waana dulmi iyo caddaalad darro iyo weliba xaaraan. Isku wada xoori oo ganacsigeenna badankiisu wax uu ku socdaa si aad u dambaysa oo aan lahayn cabbir xaddidan.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media