Sawirro Dayax-gacmeedka lagu qaaday oo muujiyey arrin aan horay loo arkin oo uu sababay qaraxii dekedda Beyruut + Sawirro

0

(Beyruut) 05 Agoosto 2020 – Muuqaallo laga qaaday dhanka Dayax-gacmeedka oo uu helay hilinka CNN ee dalka Maraykanka, ayaa muujinaya bohol qayn oo ka qodantay qayb ka mid ah dekedda Beyruut oo uu shalay ka dhacay qaran aan noociisa la arag muddo dheer.

Sawirradan oo ay qaadday Planet Labs Inc., ayaa muujinaya in dhisme kasta oo dekedda ku yaalley ama u dhowaa uu ama dhaawac xumi soo gaarey amaba uu gebi ahaanba ku baaba’ay qaraxa iyo moowjaddiisa ruxanka.

Haamo waawayn oo raashinka lagu kaydiyo oo dekedda ku dhex yaalley ayaa qayb ahaan taagan, balse waxaa uu hog aad u wayni ka jeexmay meel ay laba dhisme ku yaalleen.

Dhisme kasta oo dekedda uga beegnaa dhanka ugu dhow ee koonfureed ayaa u muuqda kuwu uu burbur xooggani soo gaarey.

Qaar badan xitaa wareeggoodii ayay wax yari ka muuqdaan, halka qaar badan ay dambaska noqdeen. Halkan ka daawo sawirrada oo u samaysan HORE & KADDIB.

Hadalsame Media