Labo Wasaaradood oo Somaliland ah oo iskula dheggan geed la jaray & Wasaarad hanjabaad soo saartay

0

(Ceerigaabo) 06 Agoosto 2020 – Wasiirka Deegaanka Somaliland, Shukri Xaaji Baandare, ayaa cambaaraysay geed qar kaga yaalley Buurta Daalo oo uu shalay gooyey nin ka tirsan Booliiska Somaliland.

Marwo Baandare ayaa sheegtay in ay wasaaradeedu sharciga la tiigsan doonto askartii goysay geedkii ku yaalley Buurta Daalo ee gobolka Sanaag oo ay ku tilmaantay mid lahaa muhiimad gaar ah.

Arrintan ayaa ka dhigan in ay haatan doodi dhex taallo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo ay Booliisku hoos tagaan iyo midda Degaanka.

Goynta geedka ayaa timid kaddib markii beryahan ay Buurta Daalo ee ku taalla gobolka Sanaag ee  woqooyiga Somalia kasoo korortay arrin cusub oo ah dhallinyaro  sawir dartii naftooda halis u gelinaya.

Dhallinyaradan ayaa ku istaagaya geed yar oo ku yaalla figta sare ee buurtan oo ka mid ah kuwa ugu dheer dalka, waxaase ka hooseeysa haadaan dheer oo uu cufis-jiidadkeedu aad u sarreeyo fogaanta ay jirto dartii.

Booliiska Somaliland ayaa deeto jaray geedkaa ku yaalley buurta Daallo ee gobolka Sanaag, kaasi oo ay dhalinyaradu bilaabeen inay isku sawiraan, iyagoo halis nafeed u bandhigan.

Waxyaabaha la yaabka leh waa sida sahlan ee geedkaa loo jaray (hoos ka daawo), iyadoo uu nin Booliska ka mid ihi uu dhagax aan sidaa u waynayn hal mar ku hal gaadey, kaddibna wuxuu go’ay, taasoo muujinaysa halista ay u bareereen dhallinyaradii isku dul sawirtay.

Waa arrin wanaagsan haddii la helay dood ku aaddan in geed la badbaadiyo, waloow ay dadkiiba dhimanayaan.

Hadalsame Media