Ruushka oo 6 dal oo Afrikaan ah ka dhisanaya saldhigyo rigli ah & 21 dal oo uu heshiis amaan la galay (Dokumentiyo sir ah & magacyada dalalka)

0

(Moscow) 05 Agoosto 2020 – Ruushanka ayaa qorshaynaya inuu saldhigyo ciidan oo rigli ah a samaysto iyo iskaashi amni la samaysto dalal Afrikaan ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin 6 saldhig, sida lagu qoray warqaadka Jarmanka ah ee Bild oo xiganaya xog sir ah oo kasoo baxday Wasaarad Dibadeedka Jarmanka.

Dokumentiyadan sirta ah oo lagu magacaabo “hamiga cusub ee Ruushku ka leeyahay Afrika” ayaa waxaa ku dhigan in MW Vladimir Putin uu Afrika u calaamadaystay “muhiimadda 1-aad”, isagoo doonaya inuu xiriirro la samaysto kali talisyada Afrika ku haray.

“Tan iyo 2015-kii, wuxuu Ruushku xiriir iskaashi oo dhanka ciidamada ah la meel dhigay 21 dal oo Afrikaan ah,” ayaa ku qoran dokumentiyadan la dusiyey, taasoo ka dhigan ku dhowaad 50% dalalka qaaradda, iyadoo ay awal horay u jireen 4 heshiis oo qura qaaradda oo idil.

Kremlin-ka Ruushanka ayaa qorshaynaya inuu bilaabo dhismaha ilaa 6 saldhig ciidan oo rasmi ah oo laga kala dhisayo dalalka e Central African Republic, Masar, Eritrea, Madagascar, Mozambique, iyo Sudan. Wuxuu sidoo kale dalalkan ka caawinayaa dhinaca tababarka ciidamada iyo saanadda.

Xiriirka Ruushka ayaan inta badan u fiicnayn Afrika, waayo Ruushku waa dalka ugu badan ee qaaradda siiya hubka ugu badan ee ay isku layso oo 37.6% ka yahay, isagoo ka badan Maraykanka 16%, France 14%, iyo China with 9%.

Algeria ayaa ah dalka ugu badan ee hubkiisa iibsata, waxaana soo raaca Masar, Sudan, iyo Angola.

Somalia ayaan ku jirin dalalka haatan la xusay, balse waxaa jira war beri dhowayd sheegayey inay Somaliland arrintaa ka codsatay, balse ma sahlana.

Hadalsame Media