”Waxay ahayd NUKLIYEER!” – MW Maraykanka, weriye caan ah oo sheegay war horay looga shakisanaa (Sirdoonka Lubnaan oo war kale sheegay)

0

(Washington, DC) 05 Agoosto 2020 – MW Donald Trump ayaa qarxiyey sheeko horay loo hadal hayey kaddib markii uu si cad u sheegay in qarixii Beyruut laga yaabo inuu ahaa “weerar,” isagoo weliba ku dooday inuu soo xigtey saraakiil ciidan oo “u muuqda kuwa aamisan” in aanu qaraxani shil ahayn.

Qaraxa ayaa ka dhacay bakhaarro ku dhex yaalla dekedda Bayruut, wuxuuna qaraxa oo uu midkii 2-aad u dhacay sida nukliyeerka wax u eg ilaa haatan ku dhintay dad ka badan 100 qof halka ay ku dhaawacmeen 5,000.

Yeelkeede, waloow aan weli meel cad la saarin sababta qaraxa, isla markaana ay Dowladda Lubnaan saartay guddi xaqiiqo raadin ah, Trump ayaa sheegay in Pentagon uu qabo in ay bambo meesha ku jirto.

”Waxaan la kulmay qaar ka mid ah jeneraalladeenna waawayn, waxayna u muuqdaan inay aaminsan yihiin inay tani ahayd weerar, nooc bambooyinka ka mid ah.” ayuu yiri Trump.

Waxaa baraha bulshada dhex yaacaya xogo is herdinaya oo ay qaarkood sheegayaan in uu qaraxani ahaa mid nukliyeer ah, waxaana inay wax lug ah ku leeyihiin iska fogeeyey Israel iyo Xisbullaah.

Weriyaha NBA, Chris Palmer, ayaa Twitter-ka kusoo qoray war uu markii dambe diray balse ay arkeen 114,000 oo isaga raaca, wuxuuna ku sheegay inuusan qaraxaasi bulalayr ahayn, balse uu ahaa nukliyeer.

Ha yeeshee, Madaxa Nabad Sugidda Qaranka, Abbas Ibrahim, ayaa sheegay in “shilkani” uu ahaa kayd kiimiko ah oo halkaa ku yaalley.

Waxaa la fahamsan yahay inay dekedda dhex taalley ilaa 2,750 oo ah maadada ammonium nitrate – oo ah kiimiko inta badan loo adeegsado bacriminta beeraha iyo sidoo kale qaraxyada – taasoo si aan saaxi ahayn loogu kaydinayey bakhaarro ka mid ah kuwa dekedda tan iyo 2014-kii.

Waxaana is casiley xubin ka tirsan Baarlamanka oo karti xumo, farsamo xumo, dayacaad iyo musuq ku eedeeyey Dowladda Lubnaan, maadaama ay khalad tahay in maadadaasi ay dekedda mudadaa dhex taallo.

Hadalsame Media