DAAWO: Inta ay la eg tahay jugta dhaqaale ee uu qaraxii shalay Lubnaan u gaystey (Dekeddii oo dambasowdey)

0

(Bayruut) 05 Agoosto 2020 – Qaraxii musiibada ahaa ee dambaska ka dhigay dekedda Bayruut ayaa qayb hor leh ka noqonaya caqabadihii haystey dalka Lubnaan oo qaraxan ka hor meel kala goys ah taagnaa dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba, isla markaana looga dhaartay in kaalmo dhaqaale oo caalami ah la siiyo, ugu yaraan haatan.

Qaraxan oo ay si xun ugu baaba’day dekeddii magaalada Bayruut ayaa xaalka ka dhigaya ”adigoo xumaa xuun ku cun”, waxaana ilaa haatan ku dhinteen 100 qof dad ka badan inta la helay, in ka badan 4,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen, ayaa sii kordhinaya xasaradda dhaqaale ee dalkaasi muquuranayo.

SABAB? Dekedda Bayruut oo ah midda ugu wayn Lubnaan waxaa ka gudba dhoofid iyo degitaanba 70% badeecada dalkaa gasha, sida ku xusan webka dekedda.

Wasiirka Dhaqaalaha, Raoul Nehme, ayaa maanta sheegay in dalka Lubnaan uu hayso kayd cunto oo ku filan wax aan “bil ka badnayn” kaddib markii uu qaraxani burburiyey haamihii ugu waawaynaa ee xabuubta lagu kaydin jirey oo dekedda ku yaalley.

Barasaabka Bayruut, Marwan Abboud, ayaa sheegay in qaraxani uu hooy la’aan dhigay in ka badan 200,000 oo qof, isagoo sababay burburka guryo ku kacaya $3 ilaa $5 bilyan oo doollar – oo ama “ka badan kara.”

RW Hassan Diab, ayaa isna sheegay in qaraxu uu ka dhashay  2,750 oo tan oo ah maadada ammonium nitrate oo 6 sanadood ku kaydsanayd bakhaarrada dekedda iyadoo aan la samaynin hab-raac saaxi ah oo dhanka kaydinta ah.

Dekeddan ayaa 1887-kii waxaa mid ay maraakiibta waawayni ku xirtaan ka dhigtay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Hadalsame Media