DAAWO: Geed dhallinyaro badani halis ku geli lahayd oo la gooyey (Arag sida fudud ee uu u go’ay)

0

(Ceerigaabo) 05 Agoosto 2020 – Waxaa beryahan buurta Daalo ee ku taalla gobolka Sanaag ee  woqooyiga Somalia kasoo korortay arrin cusub oo ah dhallinyaro  sawir dartii naftooda halis u gelinaya.

Dhallinyaradan ayaa ku istaagaya geed yar oo ku yaalla figta sare ee buurtan oo ka mid ah kuwa ugu dheer dalka, waxaase ka hooseeysa haadaan dheer oo uu cufis-jiidadkeedu aad u sarreeyo fogaanta ay jirto dartii.

”Booliiska Somaliland ayaa jaray geed ku yaalla buurta Daallo ee gobolka Sanaag, kaasi oo ay dhalinyaradu bilaabeen inay isku sawiraan.” ayuu soo qoray Khaalid Foodhaadhi oo ka mid ah weriyeyaasha maxalliga ah ee Hargaysa ku sugan.

Waxyaabaha la yaabka leh waa sida sahlan ee geedkaa loo jaray (hoos ka daawo), iyadoo uu nin Booliska ka mid ihi uu dhagax aan sidaa u waynayn hal mar ku hal gaadey, kaddibna wuxuu go’ay, taasoo muujinaysa halista ay u bareereen dhallinyaradii isku dul sawirtay.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay Booliisku xireen wiil ka mid ah dhallinyaradii geedkaa isku soo sawirtay.

Hadalsame Media