ASKAR DOONYO: Halyeey kusoo noqday Somalia-dii uu darteed u silcay oo 30 sumadood leh!

0

(Hargaysa) 05 Agoosto 2020 – Halyeey qaran Maxamed Askar Doonyo, oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Somalia ee ka qayb galay dagaalkii 1977-kii ayaa maanta la keenay magaalada Hargeysa oo haatan caasimad u ah maamulka Somaliland oo muddo 30 sanadood ku dhowaad ah doonaya inuu Somalia ka go’o.

Waa halyeey qaran oo 43-sanadood kaddib dib ugu soo noqonaya qarankii uu dartii u silcay ee Somalia oo 30 sumadood leh.

Somalia oo ay Itoobiyadii uu shalay la dagaallamay ay Soomaalidii soo kala dhoweeysanayso halka ay iyadii kala socoto oo isa seegtay.

Wuxuu ku soo laabtay iyadoo wax waliba si kale yihiin. Dalku waa dalkii, balse calamo aanu isagu garanayn meesha laga keenay iyo cidda samaysay ayaa meeshii uu ka dagaal galay kala suran.

Halgamaa qaran Maxamed Askar Doonyo, ayaa sidaa darteed isagoo sida qof dhintay ee markii uu soo laabtay qiyaamihii la kulmay wuxuu la aamusan yahay qamuunyo.

Gabadha la sawiran ayaa la sheegay inuu adeer u yahay.

Hadalsame Media