SHIN-TIRIS RUN AH: Qarannimada Itoobiya uma qarawayna sida loo qabo (Maxaa uga eg Soomaalida?)

0

(Hadalsame) 05 Agoosto 2020 – Itoobbiya waxaa la gu koolkooliyaa in ay tahay dawladda Afrika u gu fac weyn, run ahaan se ma aha qaran leh jiritaan sugan oo xasilloon.

Bal arag su’aalahan: Halkee bay maraan soohdimaheeda dhuleed? Dadkee baa ah dadkeeda? Yaa leh Itoobbiya asalkaba? Ma dawlad imbaradooriyad ah baa mise waa dawlad qoomiyadeed oo la gu ka la adkaan karo? Ma dawlad Masiixi ah baa? Ma dawlad gumaysi baa mise waa dawlad dadyowgeeda u dhaxaysa?

Sannadkii 1897-kii waxii ka horreeyay Itoobbiya wax ay ahayd maamul kooban oo Masiixi ah oo ay ka la riixdaan labada qoomiyadood ee Amxaarada iyo Tigreegu. Boqor Menelik baa dabadeed Geeska Afrika ku qaaday duullaammo waaweyn oo qabsaday inta badan dhulka maanta la isku yidhaahdo Itoobbiya.

Markaa iyo ka hor waxaa loo aqoon jiray Abasiiniya oo la macne ah Xabashi. Berigaa ilaa maanta toban jeer in gaadhaysa ayaa la beddelay calanka Itoobbiya iyo habkooda dawladeed. Calankii uu Menelik sitay wax uu ahaa saddex maro oo ka la furan oo leh saddexda midab casaan, huruud iyo cagaar.

Sannadkii 1897-kii ilaa 1975-kii calankoodu wax uu dhexda ku lahaa libaax calan macatab leh sita taajna gashan oo ay u yaqaanneen Libaaxa Juda. Intii u dhaxaysay 1975 ilaa 1987 taliskii askarta Derg ee Mingistu wax uu lahaa laba calan oo mid yahay kii imbaradooriyadda oo taajkii iyo macatabkii la ga tuuray iyo mid rasmi ah oo aan dhexda wax astaan ah ku lahayn.

1987-kii ilaa 1991-kii calanka wax ay dhexda ka galiyeen astaan cusub. Sannadkii 1991-kii kolkii Tigreegu dalka qabsadeen ilaa 1996-kii wax ay soo celiyeen calankii hore ee Dergiga ee aan astaanta lahayn. 1996-kii la ga soo bilaabo xiddig bay dhexda ka galiyeen.

Imikana Oromadu wax ay rabaan in ay soo celiyaan kii aan astaanta lahayn, haddiiba la sii wada joogayo. Tabtaa aan calankooda, dadkooda, dhulkooda iyo habkooda siyaasadeed u degganayn si la mid ah ayaan jiritaankooda qarannimo u degganayn.

Daqiiqad kasta ayaa la gu ka la dhaqaaqi karaa Itoobbiya, waayo wax ay aad u shabbahdaa Yuguslaafiyadii burburtay, walow dabaqadda waxbaratay iyo dabaqadda ladani weli midnimada sii rabaan.

Sidaa darteed, Soomaalidu xitaa haddii ay kaalin firfircoon ku yeelan wayday waxa socda waa in ay si aad u feejigan u la socotaa isbeddelka oo keeni kara natiijooyin waaweyn oo masiiri ah.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media