Xuutiyiinta oo sheegtay inay jab u gaysteen Ciidamada Sucuudiga oo ay ku galeen gudaha Sucuudiga

0

(Najraan) 03 Agoosto 2020 – Ciidamada Sucuudiga ayaa la sheegayaa in ay soo gaartey waxyeello loo gaystey daraasiin ka mid ah askarta kaddib markii uu iska hor imaad ka dhacay koonfur galbeed dalkaasi oo ay isku fara saareen kooxaha Xuutiyiinta.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay magaalada Najraan ee gobolka xadka ku yaalla ee Najraan, sida uu qorayo webka Ansarullah waxaana weerarka soo qaaday kooxda Xuutiyiinta, waloow aanu Sucuudigu weli ka hadal.

Yaman ayaa xasarad ku jirtey tan iyo 2014-kii, markii ay Xuutiyiintu qabsadeen inta badan dalkaasi oo ay ku jirto magaalada Sanca, waxayna kasii dartay markii ay dalkaa weerareen ciidamo uu Sucuudigu hoggaaminayo kaddib markii ay Maarso 2015 tuureen dowladdii uu Sucuudigu taageerayey.

Kumannaan Yamani ah ayaa markaa kaddib dhintay, halka ay 14 milyan ay halis ugu jiraan macluul iyo baahi, sida ay sheegtay QM.

Ilaa hadda ma jiraan ilo 3-aad oo caddayn kara sheegashada Xuutiyiinta.

Hadalsame Media