DAAWO: Ma taangi baa mise waa GUJIS? Ruushka oo soo bandhigay taangi berri biyood ah

0

(Orenburg) 03 Agoosto 2020 – Ruushka ayaa tijaabiyey taangiga wayn ee T-72 oo sanadihii dambe loo maduufikeeyey qaabab casri ah oo ay ku jirto in biyaha la quusin karo gebi ahaantii, sida ka muuqata muuqaal falax gooddin ah oo ay soo saartay Wasaaradda Difaaca dalkaasi.

Waxaa muuqaalka laga arkayaa taangiga T-72B3 oo ka tallaabaya webi guntiisu gaarayso 5-mitir (16.4 cagood), mar uu ka qayb gelayey dhoolltus ka dhacay magaalada Orenburg ee gobolka Ural, oo dhaca xadka Aasiya iyo Yurub.

Gabalkan muuqaalka ah ayaa tusaya taangigan 41-tanlaha ah (90,400 oo rodol) oo gebi ahaanba ku mirqaya biyaha balse marka dambe kasoo foocaya daanta kale ee webiga.

 

Taariikhiyan T-72 waxa ay Soofiyeetku naqshadeeyeen 1970meeyadii. Yeelkeede, T-72B3 waa isagii oo la casriyeeyey 2016, waxaana lagu kordhiyey inuu ridi karo gantaalaha la hago, matoor cusub oo xooggan, gudbin otomaatik ah, shaashado dhijitaal ah iyo isagoo biyaha quusi kara.

Hadalsame Media