”Alla naag buu u eg yahay!” – Waa qiso dhab ah oo mudan in aan kaliya la akhrine la fahmo laguna baraarugo

0

(Hadalsame) 03 Luulyo 2020 – Waxa uu taagan yahay Mall-ka 24 (mid kamid ah Suuqyada Soomaalida). Wuu qaawan yahay, xagga sare waxa u ku wataa maro dumareed, wuu gaajeeysan yahay, daruuf baa ka muuqata, yaa kula hadla bay ka taagan tahay.

Uma eka, dhallinyarada balwadu dilootey, wejigiisa waxa uu u egyahay qof ku cusub noloshan uu hadda wajahay, waxa kale uu egyahay nin waddankan ku cusub, oo naf lacaari ah.

Dadku way ag marayaan, way dhaaf dhaafayaan, qaarna way ku qoslayaan, carruur iyo hablo dhallinyara ahna xagaas oo kalay kaga maadaysanayaan, qofkii aan hubsan waxa uu moodayaa dadka guursada, dadka ay isku jinsiga yihiin (Gay) sabatu waa dharka dumar ee uu wato. Alla dhar dumareed buu sitaa!

Waan la hadalnay, markiiba wuu nagu soo cararay, wuu gaaja hadlay, codka ayaa dhib ku ah, hadalka ayaa ku adag, waxba nagama codsan, waanse fahannay inuu ninku dhaqan Soomaali leeyahay, oo uu wali madaxa dhulka ka ceshanayo, waxa kale oo aan fahannay in ninka maskaxda looga jiro, oo uu xanuun dhimirka ah la hardamaayo.

Intii aan la hadlaynay, waxa na ag marayey dad aan naqaan iyo kuwa aanan aqoon, wajigooda waxa aan ka aqrisanaynay layaab, ay malaha la yaaban yihiin sababta aan ninkan qaawan u danaynayno sheekadiisa.
Malaha qaar baa moodaayey inaan wax kala ibsanayno, ama dhiilal aan kula jirno ninkan miskiinka ah.

Waayadan, waxa aan arkaa dad badan oo sharaf leh, ama wadaado ah, oo hadduu qof si ah la istaago ka baqanaya in ltuhmo, ama haddii haweeney uu la istaagto neeftu qabanayso, ka baqanaya in ka yiraahdo number buu ka qoronaayey, oo hadduu qortana?!! Sababta mataqaan? Waxa uu isleeyahay armay dadka si kale kuu fahmaan! Waa dad, dad kale u nool. Bal waxa la dhihi doonna maxaa ka khuseeya isaga?!

Mudda yar kadib, ninkii dhar cusub iyo cunta ayuu helay, waxa uu soo istaagay meel dad badan taagan yihiin isagoo labisan, waa la salaamayaa, sidii qof miyir qabaa loola hadlayaa, oo la leeyahay maanta cimiladu way kulushahay, iyo shaaha maqaayadaan wuu fiican yahay. Sheeko reer magaal uun dee!!

Dadka maba moodid ninkii ay inkirayeen, illeen dharkaa la salaamayee. Haaaa!! Isaga maahee waa maryaha! Indha ku garaadlayaal iga dheh.

Mudda kadib, waxa aan ogaanay, in ninkan markii uu xeryaha qaxootiga ka soo dhoofaayey uu boos sponsor ah, reer ka iibsaday, reerkii way wada dhaceen oo ma soo bixin, isaga oo aan reerka kamid ahayn ayaa soo baxay, waxa la yiri, reerkii waxa ay moodeen inuu ninkan dacweeeyey oo ay sidaa ku baaqdeen, ugu danbeena ay iyagu sixreen si uusan uga macaashin booskan dhoof ee ay ka iibsadeen. Eebaase og xaqiiqda!!

Isagu lahfiita, waxa uu noo qiray, in dhibaato ka soo raacday Afrika, ay noloshiisa saameyn ku yeelatay. Waxa aan u jeedaa, walaalayaaloow, marka aad suuqyada tagaysaan, oo aad bariiska faraha badan cunaysaan, shaahan aan laga dhargeen isdaba wadaan.

Ogaada! in albaabka hore ee makhaayadda ay taagan yihiin kuwa sadex qad ah, adigu waxa aad cunayso waad ka fikiraysaa, isaguse dookh ma leh, adiga abiteetkaa kaa xiran, illeeyn saacad kastaad wax isdaba wadaaye, isaguse waa naf lacaari.

Ogoowna, dadka oo dhan mawada aha sida Mukhtaar oo kale, oo qaar baa edeb darro iyo daroogo u taagan meesha, qaar baa tuugga ah oo aan gaajeesneen, balse in lakala soocay rabaan.
Damiirkaagu yaanu ku siin inaad kaligaa dharagto, caawiya dadka si Illaahay idin caawiyo.

FG: Sawirkani ma aha Mukhtaar, oo waan ka xishoonay inaan sawir ka qaadno, si fahankiinnu u soo dhowaado, ayaan sawirkan idin doornay.

Warsan iyo Salaama.

Xigasho: Xuseeney Aadan Kaneec

Hadalsame Media